Cannavaro Oo buuxinaya booskii uu baneeyay Zidane caawiyana u noqonaya Ancelotti

Cannavaro Oo buuxinaya booskii uu baneeyay Zidane caawiyana u noqonaya Ancelotti

ZIDAANI

Difaacii hore ee kooxda Juventus iyo Real Madrid Fabio Cannavaro ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu shaqo macalinimo ka qaban doono kooxdiisii hore ee Real Madrid kadib markii Zinedine Zidane loo magacaabay kooxda labaad ee Real waxaana uu ka hoos shaqayn doonaa Carlo Ancelotti. Jariidad AS ayaa qortay in xalay masuuliyiinta kooxda Real ay isku soo qaadeen sidii difaacan loo keeni lahaa kooxda waxaana la leeyahay waa qofka ugu haboon ee buuxin kara booska uu baneeyay Zinedine vZidane,waxaana dadkii taladaasi soo jeediyay kamid ahaa Zinedine Zidane oo aad loogu xushmeeyo kooxda Real Madrid. Sidoo kale jariidada Ace Almadridah ayaa xaqiijisay in go,aanka ugu dambeeyay ee dhawaaqista noqon doonto horaanta bisha soo socota ee July waxaana Cannavaro uu si rasmi ah u aqbalay in uu buuxiyo booska macalin xigeenka labaad ee kooxda Real Madrid kaasi uu hayay saaxiibkiisa Zidane. Cannavaro iyo Zidane ayaa si wada jir ah ugu soo wada iayaareen kooxda Real Madrid intii u dhexaysay 2006 ilaa 2009, waana shaqsi ay is fahmi karaan macalinka ay isku wadanka kasoo wada jeedaan Ancelotti.