Ciidamada Badda Oo Badbaadiyay Tahriibayaal Badda Ku Go’doomay Iyo 10 Ruux Oo Geeriyooday

Ciidamada Badda Oo Badbaadiyay Tahriibayaal Badda Ku Go’doomay Iyo 10 Ruux Oo Geeriyooday

Tahriibayaal

Hargeysa(Salaanmedia.com)Ugu yaraan 10 tahriibe ayaa ku geeriyooday badweynta u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya, gaar ahaan dhinaca xigta Liibiya, ka dib markii ay dooni siday tahriibayaal tiro badani ay ka baxday habeen hore xeebaha Liibiya.
Ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa badbaadiyay 39 ruux iyagoo heehaabaya biyaha dushooda, waxaana maydkooda la soo saaray 10 tahriibe. Doonida ayaa waxa ku kacay badda ay dhex maraysay, maadaama oo ay ahayd shiraac yar oo ay tahriibayaashu u samaysteen si ay Yurub ugu gaadhaan. Ciidamada badda ee Talyaanigu waxay sheegeen in dadka ay badbaadiyeen ay yihiin Afrikaan, waxaana la sheegay inay doonidaas ay raaceen dad Somali ahi oo Yurub ku soo jeeday.
Ciidamada Talyaaniga ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxay badbaadiyeen 700 oo tahriibe oo badweynta ku go’doomay ka dib markii doontii ay wateen ay ciladi ku timid.