Ciyaaryahan Andres Iniesta Oo ku muuse-naabay in aanu hilmaami doonin Guuldaradii ka soo Gaadhay Xulka Holland

Ciyaaryahan Andres Iniesta Oo ku muuse-naabay in aanu hilmaami doonin Guuldaradii ka soo Gaadhay Xulka Holland

Iniyasta

Kubadd sameeyaha xulka qaranka dalka Spian Andres Iniesta ayaa sheegay in xulkiisa Spian aanay hilmaami doonin guuldaradii xanuunka badanayd ee ka soo gaadhay xulka qaranka dalka Netherland kulankoodii furitaanka Koobka Adduunka. Xulka sannadkan difaacanaya dhacdada Koobka Adduunka ayaa kulankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ku bilaawday sheeko weli dunida oo dhan laga hadal hayo kadib markii 5-1 ay xulka Netherland ku durdurisay dhiggooda Spain. Spain ayaa kulamada midkan xiga ee Group B waxay la ciyaari doonta xulalka Chile iyo Australia, isagoo Iniesta qiray in guuldaraan aanay marnaba ka bixi doonin maanka iyo maskaxda Spain“Waan inaan guuleysanaa labada kulan ee noo dhiman,”Ayuu Iniesta u sheegay weriyayaasha