Cristiano Ronaldo Iyo Dhakhtarkiisa Oo Qoorta iskula jira!

Cristiano Ronaldo Iyo Dhakhtarkiisa Oo Qoorta iskula jira!

Cristiano rolan

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu iska dhaga-tiro oo uu diido waanada ay u soo jeediyeen dhakhaatiirta si uu dhaawac ugu ciyaaro koobka adduunka taas oo laga yaabo inay soo afjarto waayihiis ciyaareed. Ronaldo ayaa waxaa maalmahaan ku soo laab-laabaaneyey dhaawacyo iyadoo tababarka laga lagaga saaray dhaawac darran oo jilibka ah kaas oo imika lagala tacaalayo. Dhakhtarka u gaarka ah C. Ronaldo ayaa laacibka ugu baaqay in aanu ciyaarin inta ka hadhsan koobka adduunka iyadoo haddii uu ciyaaro maalmaha soo socda uu helis galinayo inuu mar dambe ciyaaro kubbada cagta, isla markaana uu soo afjarayo waayihiisa ciyaareed. Balse Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu isticmaalo xanuun baabi’iye si uu dhaawac ugu ciyaaro kulanka ay caawa ay la yeelan doonaan qaranka Maraykanka. Ilo wareeydyo laga helayo Spain ayaa sheegaya in Ronaldo uu sheegay in isagu go’aaminayo inuu ciyaarayo iyo inkale isla markaana diyaar u yahay inuu ka soo muuqdo kulanka.