Daawo: Reer Algeria Oo Farxada Xulkooda U Soo Gudbay Wareega 16-Kooxood Awgeed Dabaal Degyo Aan Xalay Laga Seexan (Salaanmedia.com) Friday, June 27, 2014 Algiers, (Salaanmedia.com/Agencies):- Magaalooyinka waaweyn ee dalka Algeria ayaa habeenkii xalay isu rogay, goob farxadeed oo heesaha amaanta xulka qarankooda iyo dad faraxsan sawaxankooda la dayaamay, taas oo ka dhalatay ciyaartii dalkoodu ugu soo gudbay wareegsa lix iyo toban ka kooxood ee wareega labaad koobka aduunka 2014-ka. Dadweynaha reer Algeria oo ay aad ugu dheeraadeen 94-kii daqiiqo ee ciyaartu socotay, ayaa markii garsoorihii ciyaarta siidhiga hayay oo dhalashadiisu Turki ahayd Konayt Shakir uu siidhiga yeedhiyay, iyagoo intooda badan farxad darteed ilmaynaya bilaabay ciyaar iyo dabaal degyo ilaa xalay aan loo kala seexan, waxaanu dalkaasi isku badalay sidii ciid qaran oo kale ka jirto.

Daawo: Reer Algeria Oo Farxada Xulkooda U Soo Gudbay Wareega 16-Kooxood Awgeed Dabaal Degyo Aan Xalay Laga Seexan
(Salaanmedia.com) Friday, June 27, 2014
Algiers, (Salaanmedia.com/Agencies):- Magaalooyinka waaweyn ee dalka Algeria ayaa habeenkii xalay isu rogay, goob farxadeed oo heesaha amaanta xulka qarankooda iyo dad faraxsan sawaxankooda la dayaamay, taas oo ka dhalatay ciyaartii dalkoodu ugu soo gudbay wareegsa lix iyo toban ka kooxood ee wareega labaad koobka aduunka 2014-ka.
Dadweynaha reer Algeria oo ay aad ugu dheeraadeen 94-kii daqiiqo ee ciyaartu socotay, ayaa markii garsoorihii ciyaarta siidhiga hayay oo dhalashadiisu Turki ahayd Konayt Shakir uu siidhiga yeedhiyay, iyagoo intooda badan farxad darteed ilmaynaya bilaabay ciyaar iyo dabaal degyo ilaa xalay aan loo kala seexan, waxaanu dalkaasi isku badalay sidii ciid qaran oo kale ka jirto.