Dal caan ah Oo Luuqadaha Imtixaanka Liisamada Wadista Baabuurta ku soo dartay af-Somali

Dal caan ah Oo Luuqadaha Imtixaanka Liisamada Wadista Baabuurta ku soo dartay af-Somali

Dreval Somali

Imtixaanka Sharciga gaadiidka lagu xakeeyo ayaa wixii laga billaabo 16-ka bishan june waxay dadka Somali -da ah ee ku nool dalka Sweden ku geli doonaan luuqadda Soomaaliga. Dadka Thailand u dhashay ayaa sidoo kale farxadda la wadaaga Soomaalida oo iyaguna maalintaas imtixaanka ku geli doona Luuqaddooda. Tani ayaa la macno ah in Imtixaanka sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo loo turjumay 14 luuqadood oo kala duwan, sida Albania, Arabic, (Bosnia, Croatia, Serbian-Croatia), English, Finland, France, Persia, Ruushka, Somalia, Sorani, Spanish, Thailänd, Turkish iyo Germany. Luuqadahan la turjumay ee lagu gelayo imtixaanka sharciga gaadiid-kaxeynta ayaa lagu koobay kaliya gaadiidka yar yar ee raaxada ee sida shakhsiga ah loo leeyahay. Dadka doonaya in ay Imtixaanka dalbadaan ayaa loo sheegay in ay doortaan luuqaddooda, iyadoo intaas loogu daray inaaney bedeli karin haddii imtixaanka ay ku dalbadeen luuqadda Swedish-ka. Dadka u dhashay dalalka Somalia iyo Thailand ayaa loo sheegay in ay luuqadahooda ku dalban karaan kaliya laga billaabo 16-ka June 2014. Ciddii dooneysa in ay taleefoon ku dalbato imtixaanka sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo ayaa waxay wici kartaa taleefoonka ah: 0771-17 18 19 Arrintan ay sammeysay Hay’adda Gaadiidka Sweden ayaa waxay dad badan oo Somali -da ah oo Sweden ku nool u fududeyn doontaa in ay ka gudbaan Imtixaanka Sharciyada Gaadiidka lagu kaxeeyo, kaasi oo hadda ay dhibaato weyn ku qabaan, maadaama lagu maro Imtixaanka luuqadda Swedish-ka oo dadka intiisa badan ay ku adag tahay.