Dawladda Britian Oo Albaabada Uxidhay Qunsuliyaddi Ay Kul Laheyd Magaalada Mombasa Iyo Kenya Oo Si Weyn Uga Cadhootay

Dawladda Britian Oo Albaabada Uxidhay Qunsuliyaddi Ay Kul Laheyd Magaalada Mombasa Iyo Kenya Oo Si Weyn Uga Cadhootay

Uk

Mombasa(Salaanmedia.com) Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqyday inay xirtay qunsuliyadii ay ku laheyd magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kadib cabsi xaga amniga ah oo la dareemay.
Adeegyadii Xafiiska Qunsuliyada UK ee magaalada Mombasa ayaa loo wareejiyay magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku taalo safaarada rasmiga ee dowladda Britain.
War qoraal oo ka soo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in xiritaanka Qunsuliyada ee magaalada Mombasa ay tahay mas’uuliyad weyn oo ka saaran ammaanka muwaadiniinteeda.
“Dowladda UK waxay ku wargelineysaa muwaadiniinteeda Kenya inay ka feejignaadaan qataraha iyo hanjabaadaha ka dhanka ah dadka reer galbeedka ee Kenya ku sugan” ayaa lagu yiri warkaas qoraalka ah.
Magaalada Mombasa oo ah magaalo loo dalxiis tago, ayna u badan yihiin Muslimiin waxaa todobaadkii hore ka dhacay dil loo geystay Wadaad caan ahaa, waxaana magaaladaas ka dhacayay tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeen Soomaaliya weeraro iyo qaraxyo, iyadoo hoos ay u dhaceen dalxiisayaashii tagi jiray.