Dawladda Somaliland Oo Ka hadashay ciidamada ay Beesha Caalamku ka Qayliyeen

Dawladda Somaliland Oo Ka hadashay ciidamada ay Beesha Caalamku ka Qayliyeen

Ciidanka Qaran P

Hargeysa, 23 June 2014 (Salaanmedia.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaaqa ka soo yeedhay dawladdaha caalamka ee ka qeylinayaa Ciidamada booliska ee ilaalinayaa Shirkadaha Shidaalka ka qodaya dalka Somaliland, kadib markii guruubka qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca khayraadka Soomaaliya iyo Ila-tariya ay walaac ka muujiyeen ciidamada cusub ee ilaalinaaya shirkada shidaalka ka baadhaaya Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade, ayaa sheegay in dawladda Somaliland ay leedahay ciidamo badan oo haddii doonayaan inay Soomaaliya qabsadaan ay helikaraan. Sidaana waxa uu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ka sheegay mar uu shalay hortagay Golaha Guurtida Somaliland oo uu warbixin ka siinayey xaalada nabadgelyo ee dalku marayo, waxa uu sheegay inay jiraan khataro badan oo halis ku ah nabadgelyada dalka. “Waxa jira waxyaabo badan oo halis ku ah nabada Somaliland, waqti kastana waxyeelayn karta. Waxa ka mid ah dhaqan-xun oo bulshada reer Somaliland caadeysteen, oo ah qabyaalada. Qabyaaladu waxay halis ku tahay nabadgelyada maanta dalka ka jirta, haddii meel aynu uga soo wada jeesan qabyaalada dhib badan ayaa inagaga iman-kara, waynu ka gudubnay xilligii nin walba gacantiisa wax ku goosan jiray,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed waran-cadde. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, oo faahfaahin ka bixiyey ciidamada cusub, “Waxa la yidhaahda Oil Protection Unit, kooxda ilaalinta shidaalk, waxaan la yaabay, oo aan caalamka kula yaabay ka qaylinaaya ee leh Somaliland waxay soo wadaa belaayo. Immikaba shirkado shidaalka ah way joogaan, shalayna way joogeen ciidamo booliis ah ayaa ilaaliya. Waxaanu nidhi ciidankaa booliiska ah waxaanu siinaynaa tababar casri ah, oo dambiilayaasha casriga ah suduu uga hor tagi-karro. Waxay leeyihiin bilayska ha tababarina, taas maanu yeelnaa? Waa maya, waxa weeye bilayska oo tababar fiican la siiyo oo laad la gaadhi-kara fooqaas ama Daarta ka boodi-kara. Ciidankaas waa ciidan ka mid ah bilayska oo tababar khaas ah oo kaliya qaadanaaya. Immikaba waanu leenahay ciidamo badan, oo haddii aanu doonayno in Soomaaliya aanu qaabsano, aanu ku qabsan-karno, laakiin waa ciidamo ku kooban dalkayaga oo kaliya. Sabab aanu Soomaaliya ugu duulaynaa ma jirto ee waddankayaga ayaanu u samaynaynaa, ciidan cusubna maaha, waa ciidan ka mid ah bilayska.” Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay inay jiraan ciidamo kuwaas la mid ah, waxaanu ku tilmaamay in ciidamadaasi la mid yihiin ciidamadda RRU-da oo kale. “Maantana way jiraan oo shacabkeena ayaa ka cawda ee caalamku kama cawdo, waana RRU-da. Waxaanay barteen sidii qofka dhibaato u gaadhin loo qaban lahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warran-cadde.