DHACDO: Kulankii Brazil Iyo Chile Ee Koobka Aduunka Oo Reebay Mahadhooyin Naxdin Leh

DHACDO: Kulankii Brazil Iyo Chile Ee Koobka Aduunka Oo Reebay Mahadhooyin Naxdin Leh

DHACDO

Mid ka mida taageerayaasha xulka Brazil ee Koobka Aduunka oo naxdin, warwer iyo cabsi uu ka qabey in Brazil laga badiyo wadnuhu istaagey isagoo daawanaya rigoorayaashii kama danbeysta ahaa. Ninkan 69-jir ah oo raacsanaa kooxda Brazil oo la ciyaarisay Xulka Chile ayaa ciyaarta ka daawanayay makhaayad ku dhex taala garoonkii ay ciyaartu ka dhacaysay ee Mineirao Stadium. Kooxaha Brazil iyo Chile oo kala badan waayey ayaa isla tagey rigoorayaal (Penalty Kick). Dadkii ciyaarta daawaniyey ayaa cidiyaha wada qaniiney. Ninkan da’da ah ayaa qaadi kari waayey heerka ay ciyaartu mareysay waxaanu sheegey in uu xanuunsaniyo.Dhakhtarka ayaa isla markiiba loola cararey hase yeeshee nasiib daro wadnaha ayaa istaagey waanu geeriyoodey qadar yar dabadeed. Isla ciyaartaa intii rigoorayaashu ay socdeen, waxa kaloo xanuuno kala duwan ay soo gaadheen dad tiradoodu tahay 97- qof oo 60- kamida lagu dhex daweeyey garoonka gudahiisa. Haweeney 50-jir ah ayuu ku dhacey xanuun la xidhiidha naxdinta intii ciyaartu socotey halka nin 20-jir ahna sanka laga jabiyey dagaal dhex marey taageerayaasha labada kooxood. Waxa kaloo intii ciyaarahan koobka aduunku socdeen ay saameeyeen: Caasimada Colombia ee Bogota, haweeney u geeriyootey rasaas ay ugu dabaaldagayeen tageerayaasha Colombia markii ay ka adkaadeen Uruguay. Wadanka Shiinaha, waxa ku dintey nin Shiine ah oo saddexdii maalmood ee ugu horeeyey ee la furey ciyaarahan aan seexan balse daawaniyey ciyaaraha. Waddanka Mexico, waxa ku dintey nin iska soo tuurey dabaq dheer markii ay kooxda dalkiisu ay badiyeen ciyaartoodii ugu horeysey.Nin Ingiriis ah ayaa isna qaniinyo kala badh dhagta laga goostey markii kooxda Uruguay laga badiyey. Ciyaartan xiisaha badneyd ee Sabtidii aynu soo dhaafney dhex martey labada kooxood ee Brazil iyo Chile ayaa noqotey dhacdadii ciyaar toos loo daawaniyo la isaga diro twitter-kii ugu badnaa abid oo ah 16.3 million