Dowladda Itoobiya oo qabtay Xubin loo Tuhmay Al-Shabaab

Dowladda Itoobiya oo qabtay Xubin loo Tuhmay Al-Shabaab

Al Shabaab

Addis-Ababa, 06 June 2014 (Salaanmedia.com)- Nin lagu tuhunsan yahay inay kooxda Alshabaab u dirtay sidii uu qaraxyo uga fulin lahaa magaalo-madaxda dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa lagu qabtay magaaladaas, siday sheegeen ciidamada amniga ee dalka Itoobiya. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay baahisay xarunta warbaahinta ee Walta Information Center (WIC), hawlgal wadajir ay u fliyeen ciidamada la-dagaallanka argagixisada, hay’adda sirdoonka qaranka iyo ciidamada booliska ee dalkaasi Itoobiya ayaa lagu qabtay nin la tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab, kaas oo la filayo in uu waday qorshe uu qaraxyo kaga fuliyo magaalada Addis-Ababa. Warbixintani waxay intaa ku dartay in ciidamada amnigu ay aaminsan yihiin in ninkani ay soo tababareen Al-Shabaab, “Waxaanu shacabka u sheegaynaa inay feejignaadaan, haddii ay arkaan wax shaki leh na ay si dhaqso ahna ay u wargeliyaan dawladda,” ayay yidhaahdeen ciidamada amnigu. Hore waxa guri ku yaalla magaalada Addis-Ababa uga dhacay bishii October 2013 qarax ay ku dhinteen laba qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwii qaraxa qorshaynayay ka hor intii aanay walxihii qarxayay kala soo bixin halkii ay degganaayeen, kuwaas oo ay ciidamada anigu sheegeen inay ahaayeen xubno ka tirsan AlShabaab, isla markaana doonayay in ay qarax ka geystaan garoonka kubadda cagta ee Addis-Ababa, halkaas oo ciyaari ku dhexmaraysay laba kooxood oo kala ahaa kooxaha kubadda cagta qaramada Nayjeeriya iyo Itoobiya. Hase yeeshe Al-Shabaab waxay hore qaraxyo uga fulisay magaalooyinka waawayn ee dalalka ciidamada nabad-ilaalinta u diray Soomaaliya, sida; Kampala, Nayroobi, Jabuuti iyo meelo kale oo ka mid ah geeska Afrika