Dr; Cali Macaw ; xukuumada Somali Land Ku Ceebowday Mustaafirintiisii Oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Garoowe Kuna Caawiyay Cisbitaalka Garoowe Lacag Dhan 100.000 Dolar Oo Uu Sheegay Inuu Islahaa Ku Caawi Cisbitaalka G/Togdheer Markii Hore (Sawiro)

Dr; Cali Macaw ; xukuumada Somali Land Ku Ceebowday Mustaafirintiisii Oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Garoowe Kuna Caawiyay Cisbitaalka Garoowe Lacag Dhan 100.000 Dolar Oo Uu Sheegay Inuu Islahaa Ku Caawi Cisbitaalka G/Togdheer Markii Hore (Sawiro)

Macaw 14

Garowe(Salaanmedia.com)- Dr.Cali Macow Aweys Ayaa lagu soo dhaweeyay magalada Garowe xarunta Puntland Isla Markaana U balan qaaday inuu wax u qaban doono dadka xanuunsanaya ee ku nool Puntland Kuna Caawin Doono Cisbitaalka Garoowe Lacag Dhan 100.000 oo doolar Oo Nasiib Daro Aan ugu Tala Galay Buu Yidhi Inaan ku cawiyo Markii hore Cisbitaalka Magaalada Burco ee Somaliland

Garoonka diyaaradaha magalada Garowe Dhaqtar Macow waxaa kaga hortagay masuuliyiin uu ka mid yahay Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmo Koor iyo dadwayne kale.
Waxa uu sheegay Dr.Aweys inuu Puntland ku sugnaan doono mudo dhan saddex bilood mudadaasna uu barnaamijyo caafimaad oo dadka yarta ahi uu ka fulin doono,isagoona sheegay Puntland inay ka mid tahay meelaha ugu wanagsan Soomaaliya inteeda kale.
Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay sidii wax loogu qaban lahaa dadka xanuunsaya wuxuna Macow sheegay inuu arrimo la xariira caafimadka uu ka qaban doono deegaanada Puntland.
Dhaqtarkan ayaa xarumo caafimaad ku leh Jarmarka iyo Ingiriiska wuxuna ka mid yahay dhaqaatiirta ka shaqaysa Qurbaha.

Macaw 3

Macaw 12

Macaw 10

”Waxan lee yahay Qibrad caafimaad oo mudo 35-sano ah waxan xaruntayda wayn ku taala Jarmarka sidoo kale London waan imaadaa,wan ku faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyay Garowe mudo 45-sano ayaan dalka ka maqanahay”
In ka badan Labo boqol oo qof ayaa hadda la diiwaan galiyay kuwaasoo ka mid ah dadka donaya inay ka faa’iidaystaan barnaamijyadda caafimaad ee uu Dr.Macow Puntland ka fulin doono,dadka is-diiwaan galinaya ayaa laga qaadayaa labo boqol oo Shillinka Soomaaliga ah oo u dhiganta ($ 10).
Sidoo Kale Waxaa iyaduna Halkaasi Ka Hadashay hindi saar maxamed cali Qoys Waxaanay Sheegatay In Ay Somaliland Si fool xun Ay u Soo Galeen Iyada Iyo Dr Macw Kana Soo Mustaafirisay Xukuumadu Isla Markaana Ay Xukuumada Adeegsanayeen Shakhsiyaad Gaar Ah oo Ay Ka Mid Tahay Wasiir Ku Xigeenada Wasaarada Caafimaadka Iyo Dumar Kale oo Doonayay Inay Abaan Ka Noqdaan Dr Macaw Isla Markaana Markii Ay Ogaadeen In Aan Anigoo Hindisaari Wado Ay Halkaasi ka Abuureen Xaalado Canbaaraynaya Dr Macaw Iyagoo U Adeegsanaya xukuumada Somaliland

Macaw 8

Macaw 6

Macaw 3

Macaw 1