Eedaanka Salaadda Subaxii Ee Masaajidyada Ceerigaabo Oo Khalkhal Ku Yimid Iyo Bulshada Oo Ku Jaah-wareersan+Amarradii Wasiirka Diinta & Awqaafta Oo Shaqayn Waayey (Warbixin)

Eedaanka Salaadda Subaxii Ee Masaajidyada Ceerigaabo Oo Khalkhal Ku Yimid Iyo Bulshada Oo Ku Jaah-wareersan+Amarradii Wasiirka Diinta & Awqaafta Oo Shaqayn Waayey (Warbixin)

Eedaanka

wasiirka diinta

Ceerigaabo(Salaanmedia.com) Saacaddu waa 3:23 aroornimo Ee Saaka Oo Isniin ah Waxana Masjidkii ugu horreeyey magaalada Ceerigaabo lagaga dhawaaqay Eedaanka Daakiraadda loo yaqaanno oo ka horreeya Eedaanka salaadda subax lagu tukan doono. Halka Masjidkii ku xigeyna sidan oo kale looga eedaamay 3:37 aroornimo.
Waxana Eedaannadan isugu jira Daakiraadda iyo eedaannadii salaadda ee Masaajidyadaasi si is daba joog ah u soconayeen laga bilaabo 3:23-am ilaa 4:30-am kaddibna 4:32-am ayaa Saddex masjid isku hal mar waxa lagaga dhawaaqay Aqiimkii Salaadda Subaxa ee lagu gelayey salaadda subaxnimo.

Mu’addiniinta masjiddadaasi waxay si isku mid ah qaarkood daakiraaddan hore ku dareen kelmedaha Asalaatu Khayru Mina Noom halka qaarkoodna Addimadda Danbe ku darayeen kelmedahaas (Asalaatu Khayru Mina Noom).
Arrintaasi waxay noqotay mid jaah-wareer ku ah bulshadii danaynaysey tukashada salaaddan subaxnimo iyagoo dhawaaqa is khilaafsan ee masaajidyadan kazoo yeedhayna u kala garan la’ daakiraaddii hore iyo eedaankii salaadda subax.

Haddaba Iyadoo xilligan ka hor bulshada Ceerigaabo ay u kala calaamadsanaayeen masaajidyada fara ku tiriska ah ee kelmedahan (Asalaatu Khayru Mina Noom) eedaanka salaadda subax ku dari jirey iyo inta badan ee masaajidyadan oo kelmedahaas daakiraadda hore ku dari jirey ayaa waxa ismaandhaafkani ka danbeeyey kaddib markii Wasiirka W/Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh-Khaliil C/laahi Axmed laba maalmood ka hor oo ku beegnayd 21/6/014 magaalada Ceerigaabo kula shiray Imaamyada iyo Mu’addiniinta 42 Masjid oo magaalada Ceerigaabo ka jira.

Wasiirkan Diinta & Awqaafta ayaa halkaas culimadan ku siiyey awaamiir qoraal iyo afkaba isugu jirta oo uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha Daakiraadaha, Eedaannada, Iyo Aqiimka Salaadaha shanta ah waxana amarradaas ka mid ahayd in aan kelmedahan (Asalaatu Khayru Mina Noom) lagu dari Karin Daakiraadda hore balse lagu darayo Eedaanka danbe ee waaga berigiisa Salaadda subax lagu tukanayo sidoo kalena labada Eedaan ee subaxii ay u dhexayso muddo 40 daqiiqo ahi iyo weliba in isku waqti laga eedaamayo dhammaan masaajiddada isku mandaqadda ah.

Amarkaas wasiirku wuxu noqday mid u shaqayn waayey sidii uu u bixiyey balse soo kordhiyey kala qaybin hor leh iyo masaajidyadii oo qaarkoodna amarkii qaateen qaarkoodna halkoodii hore kasii wateen hawshoodii iyo iyagoo guud ahaanba aan ka midaysnayn xilliga Daakiraadda hore iyo Eedaanka salaadda subaxii toonna bulshadiina uu ku yimid khalkhal hor leh oo aanay hore u arki jirin.

Diinta Awqa

Sikastaba ha ahaatee Maaddaama bishii baakaysnayd ee Ramadaan foodda innaku soo hayso ayaa la odhan karaa arrintani waa mid u baahan xal deg deg ah oo lagu midaynayo Daakiraadaha iyo Eedaannada iyo weliba Aqiimka Salaadaha ee Masaajiddada Ceerigaabo si aan dhaawac ugu iman waajibaadka cibaadada iyo soonta bulshadu gudanayaan sidoo kalena cidda mas’uulka ka ah ee u xilsaarani uga feejignaato denbi uga yimaadda arrimahaas.