Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somalia Nickolas Kay Oo Madaxda Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Si Dhaqso Ah Khilaafkooda U Xaliyaan

Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somalia Nickolas Kay Oo Madaxda Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Si Dhaqso Ah Khilaafkooda U Xaliyaan

Nicolos

Muqdisho(Salaanmedia.com)Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nickolas Kay ayaa madaxda Dawladda Soomaaliya ku amray inay si dhakhsiyaha khilaafkoodda u xaliyaan, isla markaana xal u helidda khilaafkooda ku saleeyaan Dastuurkooda iyo sharciga.
Danjire Kay ayaa xusay in khilaafka iminka u dhexeeya madaxda dawladdaas uu yahay mid aan wanaagsanayn, loona baahan yahay inay ku xaliyaan dastuurka sida ugu dhakhsiyaha badan, si aanu saameyn ugu yeelan howlaha dowladda. “Hoggaamiyeyaasha dawladda Somalia waxaan ugu baaqayaa inay khilaafkooda sida ugu dhakhsiyaha badan ay ugu xalliyaan dastuurka, waxaana rajeynayaa in dalabkan ay iga aqbali doonaan,” ayuu Kay ku yidhi
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu qiray inuu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee Dawladda, balse ay ku xalin doonaan dastuurka oo qof waliba sharciga u hogaansanaan doonno.
Wararka qaar ayaa sheegay inuu jiro khilaaf aan wali soo shaac bixin oo ka jira Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo la sheegay inay kala aragti duwan yihiin qaabkay shaqadu usocoto.