FADEEXAD:Xidhiidhka FIFA Oo ganaax iyo ciyaaro ka joojin ku diray Xiddiggii hore Ee Xulka Jarmalka Fraz Beckenbauer

FADEEXAD:Xidhiidhka FIFA Oo ganaax iyo ciyaaro ka joojin ku diray Xiddiggii hore Ee Xulka Jarmalka Fraz Beckenbauer

Viva

Xiddhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA oo maalmahaan musuq maasuq hadheeyay ayaa ganaax ku riday Xiddiggii hore ee Xulka Jarmalka Franz Beckenbauer iyagoo ciyaarahana ka joojiyay. Qoraal ka soo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in Beckenbauer ciyaaraha laga joojiyay muddo 90 maalmood ah isagoo wax ku saabsan Kubadda Cagta aan faraha la geli doonin mudadaasi kaddib markii uu la shaqeyn waayay Guddiga FIFA ee baadhitaanka ku samaynaya Musuq laga soo sheegay Qatar oo ku guuleysatay marti gelinta K/Adduunka 2022 iyo Ruushka oo isna lagu qaban doono Koobka Adduunka 2018. Beckenbauer oo 68 sanno jir ah ayaa laba jeer diiday codsi kaga yimid Garyaqaanka FIFA ee u dhashay Mareykanka Michael Garcia oo doonayay inuu weydiiyo su’aalo shaqsi ahaaneed oo ku saabsan Doorashooyinkii Koobka Adduunka 2022 iyo 2018. Waxa uu Beckenbauer hore ula soo shaqeeyay Guddiga Fulinta FIFA isagoo haatanna ah xubin ka tirsan ururkan, sidoo kale waa madaxweyne sharafeed ay xisaabsato Bayern Munich ahna safiirkooda dhinaca Isboortigaa, waana shaqsiga keliya ee isagoo ciyaartooy ah iyo isagoo tababare ahba Jarmalka u qaaday Koobabkii Adduun 1974 iyo 1990. Dhinaca kale FIFA ayaa maalmahaan waxaa ku furan musuq maasuq uu ku soo eedeeyay Wargeyska ‘Sunday Times’ oo qoray in uu hayo Kumanaan Dukumiintiyo ah oo caddaynaya in Qatar ay 5 Milyan oo Dollar ku iibsatay in dalkeeda uu ku guuleysto marti gelinta Koobka Adduunka 2022 taasoo uu ka shaqeeyay Mohamed Bin Hamam oo hore uga tirsanaan jiray FIFA.