FAYSAL CALI WARAABE IYO TALIYAHA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND OO MADAXTOOYADA ISKU FARA DHAAFAY

FAYSAL CALI WARAABE IYO TALIYAHA CIIDANKA QARANKA SOMALILAND OO MADAXTOOYADA ISKU FARA DHAAFAY

Faysal Iyo Taliya

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa isku gacan saaray Aqalka Madaxtooyada Somaliland dhexdiisa. Labadan Masuul ayaa isku af-dhaafay Kelmado ay si kaftan ah isu waydaarsadeen. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale ayaa gacanta u qaaday Guddoomiyaha Xisbiga UCID, kaddib markii uu si kaftan ku jiro ugu yidhi hadal uu Taliyuhu ka xanaaqay.
Faysal Cali Waraabe, ayaa Ismaaciil Shaqale ku canaantay inuu bixiyay amarkii ay ciidanka Qaranku kaga soo baxeen Deegamadii shalay lagu weeraray. ee Taliye aagga iyo saddex askari lagu dilay, taasoo Madaxweynaha uu guddoomiye Faysal markii hore waydiiyay inuu isagu amarka bixiyay.
Markii Faysal Cali Waraabe hadalkan yidhi ayaa Taliyaha Ciidanka Qaranku ugu jawaabay hadalo qaawan oo uu ku caayayo.
Labada Masuul ayaa markii ay hadalada isyidhaahdeen afku ka duulay, iyadoo markii ay gacanta isu qaadeen la kala qabtay.
Arrintan ayaa faddexaad ku noqonaysa aqalka Madaxtooyada Somaliland oo ay hore uga dhaceen dhacdooyin kale oo aan tan waxba ka duweynini.
Balse waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee Guddoomiye Xisbi Madaxtooyada dhexdeeda lagu faro saaro.