Gabadh Caan Ah Oo Reer Ukraine Ah Oo Ku Dhawaaqday Inay Cuntada Iyo Cabitaanka Ka Soontay Inta Nolosheeda Ka Dhiman

Gabadh Caan Ah Oo Reer Ukraine Ah Oo Ku Dhawaaqday Inay Cuntada Iyo Cabitaanka Ka Soontay Inta Nolosheeda Ka Dhiman

Gabadh Caan Ah

Gabadh models ah oo u dhalatay dalka Ukraine ayaa shaaca ka qaaday inay dhamaanba ka soontay cuntada iyo cabitaankii. Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Valeria Lukyanova oo ah gabadha muuqaal ahaan caruusada Barbie doll laga soo dheehdan ayaa shaacisay inay ku biirtay madhabta breatharianism oo aaminsan inuu qofku ku noolaan karo hawada iyo nalka oo kaliya“Todobaadadii ina dhaafay maan gaajoon. Waxaan dhawaan rajaynayaa inaan soo gunaanado tobobarkii aan u qaadanayay breatharianism oo aan u go’o hawada iyo laydh oo kaliyah inaan ku noolaado”, ayay tidhi Valeria. Valeria ayaa qaadatay mabda’a breatharianism oo markii hore ay dadka haysta diinta Masiixiga ee Katoliga iyo budhiisimka qaarkood kaga saahidi jireen cuntada iyo cabitaanka, inkastoo aan ilaa iminka taariikhda lagu haynin qof ku waaray soonkaas. Waxaana u dhintay dad badan oo aaminsanaa mabda’an. Dadka mabda’an breatharianism haysta ayaa qaarkood ka soomaan cuntada oo ay cabitaan yar qaataan maalintii, balse Valeria oo ku caan ahayd inay borobogaandada cilmi nafsiga, ayaa iyadu sheegtay inay aamin san tahay, kana go’antahay inay dhawaan labadaba ka soonto inta u dhiman nolosha.