Gabadh u dhalatay dalka Kenya Oo quruxinteeda ku bixisay dhaqaale Gaadhay 170,000$

Gabadh u dhalatay dalka Kenya Oo quruxinteeda ku bixisay dhaqaale Gaadhay 170,000$

gabadha-is-quruxisay

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay sida aadka ah dumarkooda isku cadeeyaan, iyagoo isticmaalaya habab iyo daawooyin kala duwan. Laakiin arinta la yaabka noqotay ayaa ah, kaddib markii Vera Sidika, oo ah haweeney si weyn loogu yaqaan baraha ay bulshada ku wada xidhiidhan, ay sheegtay, in ay tobonanaan kun oo doolar ay ku isticmaashay inay jidhkeeda ku caddeyso. Arrintaas, ayaa dhalisay dood baraha bulshada ka billaabatay oo ku socotay ciwaanka astaanta #BleachedBeauty, ama quruxda is caddaynta ku timid. Wareysi ay siisay TV laga leeyahay waddanka Kenya ayey si furan uga hadashay sida ay dhawaantan u istcimaashay dawado lagu cadeeyo jidhka.Waxay sheegtay in ay jeceshay in ay mar walba ay qurux badnaato. Sidika, ayaa sheegtay in jidhkeeda ay ku soo cadaysay dalka Britain, oo ayna ku kacday 15 milyan oo shilin oo lacagta Kenya ah, oo u dhiganta ($170,000), taasina waxa ay sarre u qaaday baahida loo qabo adeega ay bixiso. Warbaahinta bulshadda ee Kenya, ayaa si aad ah arrintan uga hadashay.In ka badan 4000 oo qof, ayaa barta intarnetka twitter iyo youtube kaga qeybqaatay doodda. Mid ka mid ah dadkaan, ayaa sheegay in dadka is caddeeyo ay liitaan, oo aanay isku kalsoonayn. Mid kale, ayaa sheegay in ay dumarka Kenya ay dhawaan billaabi doonaan in ay isku dayaan in xitaa maskaxdooda ay caddeeyaan. Laakin kuwa kale,ayaa Vera Sidika taageersan, waxayna sheegeen in ay tahay qof fur-furan oo daacad ah, sababtoo ah si furan ayay sheekadaani uga