Guddiga Xal U Helida Khilaafka KULMIYE Oo La Kulmay Garabka Xukumada

Guddiga Xal U Helida Khilaafka KULMIYE Oo La Kulmay Garabka Xukumada

saleebaan1

Hargeysas (Salaanmedia.com)-Guddiga dhex dhexaadinta khilaafka KULMIYE ee hogaaminaayo gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta la kulmay garabka xukumada, waxaana lagu soo waramaya inay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka KULMIYE iyo arrimo badan isla qaatay. Si rasmiya looma oga qodobada la isla qaatay, balse guddiga ayaa ilaa hada ku jira sidii dhabada toosan loogu soo celin lahaa xisbul xaakimka oo todobaadyadii ugu dambeeyey afka saaray jid hallis badan. Lama oga ilaa hada xiliga rasmiga ah ee la soo afmeeri doono xal u helida khilaafka KULMIYE, iyadoo guud ahaan shacabka Somalilandna ay u dhag taagayaan wixii ka soo bixi doona.

Salaanmedia/Hargaysa