Ha Layga Daayo Dilmada!

Ha Layga Daayo Dilmada!

Dilmada

Wuxuu ka ooyayaa beerka, hiq..hiq..hiq, annoo arkaaya wuxuu isku dayaaya inuu iga qariyo oo wajigiisa hoos buu u dhigaaya. Soo dhaweyn ayaan u sammeeyay oo gacantayda intaan ku soo qabtay ayaan ku idhi ii kaalay bal huuno, walaal, aboowe, oo i sheeg maxaa ku helay? Se hadal wuu ka soo bixi waayay…hiq…hiq…hiq. Cismaan waa wiil yar oo da’da 14 jirka ah isla mar ahaantaana waa wiil aad loo dilo maalin walba. ’Waxaa lay dilaa saddex jeer iyo wixii ka badan halkii maalinba’ sidaas waxaa igu yidhi Cismaan. Wuxunna ku sii daray’’halkan eeg bal iyo halkan kale, waxaa igaga sawiran ushii macallinku illa dhacay oo xoog buu i garaacay, aax…aax… iga daa way i damqanaysaa xoog ha i taaban ayuu yidhi. Haye baan si naxariis leh u idhi. Waan damqanayaa waliba aad buu jidhku ii wada damqanayaa oo xusuustii carruurnimo ayaa aad igu soo dhacday iyo dilmadii layna dili jiray. Si dabacsan baan u idhi ’ maxaad sammaysaa ee lagugu dilaa? Wuxuu yidhi sababo badan baa laygu dilaa oo kow ay ka tahay ’ haddaan casharka garan waayo macallinku wuu i dilaa. Hadduu awoodo dhirbaaxo ayuu igu dhuftaa ama wuu i qan-jidhiyaa markaasay igu sawiran taa haddii kale sibitoor buu igala dhacaa dabada iyo gacmaha, marmarna illaa lugaha waa layga caseeya lakiin taasi waa markaan casharka garran waayo’. Haddaan soo habsaamo sidoo kale ’ waa layga jaraa oo macallinku wuu i dilaa, dilmada khaati baan ka taganahay huuno, haddaan arday is laynana kaba sii daran, sidaas si la mida, haddaan jaro oo xanuunsado maalinta xigta waa i dilmo oo macallinku wuxuu aaminsan yahay inaan been sheegaayo ku darso kaligay maaha ee ardayda oo dhan weeyan. Waxaan soo xasuustay carruurnimadii, malcaamad quraantii iyo iskuulkii. Ha jirto in layna dili jiray dhammaanteen lakiin sidoo kale waxa jirta in sabab la’aan badana laynagu dili jiray madaama dadkeennu la qabsadeen dilmada carruurta iyo ilmaha yar. Cismaan waxaan ku idhi walaal intaas in ka badan oo kale miyaa lagu dilaa? Wuxuu la soo booday cod dheer’ Haa, haa, haa, aboowe intaas waa aroortii iyo wakhtiga malcaamada ee markaan ka rawaxo waxaan ku sii yara ciyaara dariiqa oo hadday i arkaan walaaladay way i dilaan oo soco guriga aad bay i dhahaan. Waxaan ka xummay in sidan laguula dhaqmo ayaan ku idhi ee ma sibitoor bay kula dhacaan iyakunna? May…may… feedh, dhirbaaxo,laag iyo feedh jillib. Yaa! ku celi bal. Waxaan ku idhi huuno sidaas aan kor kuugu sheegay ayay ii dilaan. Ma adoo intan leeg baa feedh iyo laag lagula dhacaa? Haa walaal waliba kaligay maaha. Hee haddaa? Waa carruurta Soomaaliyeed oo dhan. Waan ka xummahay! Dilmadu waxay dhaawac weyn u gaysataa jidhka ilmaha yar isla dhaawacaas ku sawirmaaya guudka sare ee ilmuhu wuxuu sababaaya xasuusta dilmadii hore. Sidaas darteed, waxay dhaawacaysaa maskaxda iyo fikirka ilmaha yar ee mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Carruur badan waxay is waydinayaan maxaa laydin dilaaya halka gashaantimo iyo doobab badan iska waydinayaan maxaa laydiin dili jiray? Se jawaabta ayaa ah dhaqanka dadkooda iyo khalad yar oo ay galeen lanna sixi karaayay iyadoon la dilin. Imika maad ooyaysaa? Haa, waan ooyayaa oo waxaa i helay guriga markaan tago waalidkay baa i sugaaya oo way i dilaan ama i cannaantaan. Hooyo, waa qofka iigu nugul ee hadday i disho kab yar oo dacas ah igu dhufata ama igu tidhaa maan ku habbaara mise waad i maqli? Bal se, aabbo, markuu i qabto naxariis iima galo oo maalmaha qaar indhahaba waan caddeeya sidii qof ay naftu ka sii baxayso. Markaasan la soo booday… Aniga: Oh! Bal iigu celi da’daada? Cismaan: Mukhtaar… Anniga: Hee Cismaan… Cismaan: Maanad i maqleyn… Aniiga: Waan ku maqlaaya Cismaan: Waxaan ahay 14 jir. Qofku markuu la qabatimo balwado xun iyo dhaqanno xun xun waxaynnu ku nidhaa waxaad ka dhacday noloshii. Hase ahaate, ummaddeenu ma sammeeyaan wax ay ku raalli geliyaan ilmaha yar ama farxad iyo raynrayn ay maskaxdiisa iyo jidhkiisa ku koriyaan. Taas badalkeed, way dilaan, qaraacan, ciqaaban, xanuujinaayan, guhaadayan, niyad jabinaayan. Natiijada innoo soo baxdayna waxay noqtay carruur gasariir ah, dhago adag, akhlaaqiyaad kala dhimman wata oo ay saammayn ku yeelatay dilmadii. Cismaan dhabarkiisa waxaa ku yaalay ul iyo shaanbuug lala dhacay oo sida jeegaanta ayay ugu sawirnaayen. Gacmihiisa meelo diirku ka qaadmay bay lahaayen. Dhagahiisa ciddi baa lagu dalooliyay oo dusha sare ayay kaga sawiran tahay ciddidii. Feedhihiisa inkastoonan arkayn wuu ka cabanaayay. Ilkaha qaarkood way jajaban yihiin markaan waydiiyay een ku idhi maxaa kaa helay wuxuu yidhi ’’ wiil iga weyn ayaa igu yidhi kubad soo laad annoo iskuulka ka yimid, waan kala daahay waayo kubada waan jeclahay manna haysto annigu markaa intuu soo orday markiiba ayuu feedh iyo laad iskugu kay daray. Nasiib xumo, feedhkiiba foolasha igaga dhacay oo sidaasay u jajabeen. Waxaan farriin kuugu dhiibayaa dadka i dila iyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaanteed gaar ahaan, iskuulka, malcaamada, dhallinyarada dariiqa ku ciyaarta iyo gurigayagaba. Haye farriinta i sheeg anna waan gaadhisiin Cismaanowe. Waxaad ku tidhaa’’ Waxaan ahay ilmihiini oo aad xanuujiseen sidii aad u dilayseen maalin walba. Waxaa igu wada yaal nabaro badan. Waan ooyayaa markan xasuusto sidii aad i dili jirteen imikana i dishaan kuwa dhallan doonana aad u dili doontan. Waan idin baryaayaa ha layga daayo dilmada anniga iyo carruurta Soomaaliyeedba. Waxaad iga sugaysaan mustaqbal iyo nolol heer sare ah inaan gaadhsiiyo qoyska, qaraabada, dalkeenna iyo dadkeennaba. Sidee bay suuro gal u tahay in qof dhalashadiisa illaa 22 jirkiisa la dilaayo ama maskaxda laga dilaaya uu horumar u gaadhsiiyo waaxyahaas noloshiisa ku taxan oo dhan. Waxyaabo badan oo laygu dilay waxay ahaayeen sabab la’aan halka kuwo kale oo laygu dilay ahaayeen kuwo waanno iyo tusaalayn laygu sheegi karaayay inaan saxo bal se 95% wixii kale ee laygu dilay waxaan aaminsanahay inuu ahaa gef iyo garaad xumo wixii jiheeyay aanan garanayn. Macalin, waalid, dhallinyaro, iyo qofwalba oo dila ubbadka Soomaaliyeed waxaan kaa codsanayaa inaad daysid ood waanisid si ay noloshoodu u dagto unna hanno qaadan. Farriintan waxaa idiin soo diray Cismaan oo u hadlaaya ubbadka Soomaaliyeed. Haye, ayaan ku idhi annaa gaadhsiin. Madaxaan kas ii dhunkaday niyadana waan u dajiyay…wuuba qoslayaa oo waa kaa sii socda….haa..bidhaantisaba i sii muuqata. Gabogabadii, carruurtu waxay u baahan tahay, caafimaad, ciyaar, maawelo, madadaalin, maadays iyo murti maskaxdooda korisa. Carruurtu uma baahna dilmo, guhaad, hanjabaad iyo cannaan wakhti walba joogta. Waxaynnu ka sugaynaa mustaqbal nololeed iyo horumar ay bulshadooda gaadhsiyaan se ma is waydiina ma ulla dhaqannay hab ay innagu gaadhsiin karaan waxaynnu ka rajaynayno?. Jawaabta adaan ku dhafayaa. Maskax ahaan, jidh ahaan, fikir ahaan, xusuus ahaan, koriin ahaan, dabeecad ahaan iyo akhlaaq ahaan ba dilmadu nolosha ilmaha yar saamayn weyn ayay ku yeelata. Ilmaha la dilo jidh ahaan wuu u liita maskax ahaana waxa haya warwar oo waxwalba oo uu sammeeyo maa lagugu dili ayuu ka fikiraaya. Ha yeeshe, ka la koolkooliyo lana daryeelo ee wuxuu ku ciyaaro iyo cunto dheelli tiran la siiyo wuxuu ku sugan yahay barwaaqo oo waalidkiisna way u aayan. Carruur Soomaaliyeed oo hesha nolosha sidaas ahi way yar yihiin. Jidhkaa i damqanaaya wali…haa…haa…haa, wuu i damqanayaa oo wuxuu leeyahay tolow Cismaan ma laga dayn doona dilmada? Haa, laga yaaba…. ..!