Hanaanka War-tebinta TV-ga Qaranka Oo Bulshaddu Ka Kalsooni Baxday Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hanaanka War-tebinta TV-ga Qaranka Oo Bulshaddu Ka Kalsooni Baxday Iyo Dareenadda Ku Xeeran

TV QARANKA

Hargeysa (Salaanmedia.com) Telefishanka ay Bulshadda badankeeddu u taqaano TV-ga qaranka, balse ku hadla Afka Xukuumadda ayaa waxa ku yimid is-baddal dhinaca wararka ah, kaas oo ah in laga baahiyo war lagu taabacsan-yahay hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo Barnaamjiyo lid ku ah Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Xubnaha kale ee Xukuumadda ka tirsan ee loo tiriyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Kulankii ay Shalay Xarunta Madaxtooyadda ay iskugu yimaaddeen Madaxweyne Siilaanyo, Xisbiyadda Siyaadda iyo Shirguddoonka Baarlamaanka ayaa Barnaamji uu Tv-gu ka sameeyay waxa laga saaray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, taas oo iftiimisay in Telefishanka qaranku u adeego afkaarta Wasiiro ka mid Xukuumadda oo hore dagaal Siyaasadeed ula soo galay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, waxaana sidoo kale laga dheehadda Wararkiisa iyo Barnaamijyaddiisa warar ku salaysan Barnaamijka Waji ku macaash, kaas oo tayo ahaan hoos u dhacay, iyaga oo markii horeba aanu lahayn Kalsooni ay Bulshaddu ka qabtay wararkiisa.
Waxa kale oo Tibaaxuhu intaas ku darayaan in TV-ga Masuuliyadda wararkiisa uu la wareegay Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar) oo dhawaan loo magacaabay Tafatiraha TV-ga, kaas shaandhadda saara wararka loo arkayo inay muujinayaan Taageeradda Siyaasadeed ee Hogaanka KULMIYE.
Telefishankan ayaa waxa ku baxay dhaqaale ugu jirta Miisaaniyadda oo ka soo baxdda Cashuurta laga ururiyo Bulshadda dan-yarta ah, isaga oo hawan magaca qaranka Somaliland.