Ha’yadda FAO Oo Ka Dayrisay Xaaladda Xoolaha Nool Ee Somaliland Mustaqbalka

Ha’yadda FAO Oo Ka Dayrisay Xaaladda Xoolaha Nool Ee Somaliland Mustaqbalka

FAO

Hargeysa, 21 June 2014 (Salaanmedia.com)- .Xafiiska mashruuca maaraynta biyaha dhulka Soomaalida oo hoos yimaada ha’yadda cuntada iyo beeraha adduunka ee FAO, ayaa magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay daraasad soo socotay muddo siddeed sanno ah, oo laga sameeyay khayraadka dibeeciga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya. Cali Ismaaciil oo ahaa madaxa mashruucan khayraadka dibbeeciga ah oo shalay Idaacadda VOA ugu waramayay magaalada Hargeysa, waxa uu walaac-xoogan ka muujiyey biyo yaraanta ka jirta dalka Somaliland, ay ugu wacan tahay xaalufinta lagu hayo deegaanka, isla markaana waxa uu tilmaamay haddii wax laga qaaban inay samayn ku yeelato nolosha mustaq-balka shacabka reer Somaliland. “Xoguhu waxa weeye khayraadka dibbeeciga ah, sida biyaha, sadaalinta cimilada, ururinta dabaylaha, falaadhaha cad-ceeda iyo roobka. Waxaanu si dhow ula shaqaynaa Wasaaradda Beeraha, wasaaradda kheyraadka biyaha iyo Wasaaradda reer miyiga,”ayuu yidhi Cali Ismaaciil. Cali Ismaaciil waxa kale oo uu ka hadlay waxa keenay roob yaraanta waxaanu yidhi, “Somaliland waxay ku jirtaa wadamada ugu biyaha-yar, xagga roobabka. Biyaha inaga mara xagga oogada sare waxay maraan dooxyada. Dhirtii ayaa la jarayaa, taasina waxay keentay roob yaraan.” Sidoo kale, Cali waxa uu sheegay in faro-baas lagu hayo deegaankii xooluhu ay ku noolaayeen, isla markaana waxa uu wel-wel ka muujiyey waxyaabaha laga dhax-likaro, haddii wax laga qaaban. “Waxa aanu dhamaynay saddex cesho ka hor darsaad la xidhiidha xagga xaalufka deegaanka. Daraasadahaasi waxay ku tusaysaa in dhirtii aad loo goynayo, waxa la jarayaa in ka badan boqolkiiba labaatan. Taasi waxay keenaysaa in xooluhu wayaan wax ay cunnaan, roobkuna yaraado, taasina waxay keenaysaa in mustaq-balka xoolihii ay ku dhisnayd shacabka reer Somaliland la waayo, markaa xogahaas oo dhan waatan aanu maanta soo bandhignay”,Sidaa waxa yidhi madaxa u qaabilsanaa daraasada la so bandhigay.