Hogaanka Xisbiga KULMIYE Shirkii Golaha Dhexe Dib Ugu Riixay Dabayaaqadda Bisha Ramaadaan

Hogaanka Xisbiga KULMIYE Shirkii Golaha Dhexe Dib Ugu Riixay Dabayaaqadda Bisha Ramaadaan

Qado 9

Hargeysa(Salaanmedia.com)Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa maanta dib-u-dhigay shirkii Golaha Dhexe, kaasoo mudadii loogu talagalay oo bil ahayd, maantana ku beegnayd ku qabsoomi waayey, kadib markii uu dheeraaday Khilaafka Xisbigu.
Qoraal war-gelin ah oo uu ku saxeexan yahay Xogahayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo uu ku sheegay in hogaanka intooda badnayd aqbashay soojeedinta Madaxweynaha ee dib-u-dhigista shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa war-baahinta la soo gaadhsiiyey waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe

Og: Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye

Og: Madaxweynaha JSL

Ujeeddo:- War-gelin

Shir uu isugu yeedhay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha JSL Xubnaha Hogaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku eekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigo muddada lagu jiro bisha Ramadaan.

Sidaas darteed, Xubnaha hogaanka oo ku joogay intooda badan (Majority) waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaa isaga ah.

Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo illaa inta lagu guddo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014

Allaa Mahad Leh

Xasan Siciid Yuusuf

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye