Holland Oo Dirqi Uga Adkaatay Mexico.

Holland Oo Dirqi Uga Adkaatay Mexico.

HOLAND 1

Xulka qaranka Holland ayaa u gudbay wareega 8da ee koobka aduunka kadib markii uu si dirqi ah uga adkaaday xulka qaranka Mexico.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada xul ayaan awood u helin inay ka faa,idaystaan fursado ay heleen lakiin ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 qaybtii hore walow Holland ay ku dooday in laga diiday rigoore cad qaybtii hore ee ciyaarta.

Qaybtii danbe oo socota 3 daqiiqo Dos Santos ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Mexico kadib markii uu kubad aad u xoogan uu dabo mariyay gool haye Cillessen wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ciyaartoyda xulka qaranka Holland ayaa waagu ku baryay goolkaas kadib, tababare Van Gaal ayaa sameeyay badalo badan inkasta oo uu aad u saameeyay kulaylka jiray ciyaartoy badan oo uu ku jiro kabtanka Holland Van Persie oo ugu danbaynii lagu soo badalay Klaas-Jan Huntelaar.

HOLAND 2

88 daqiiqo Sneijder ayaa u soo bar bareeyay xulka qaranka Holland kadib markii uu ka faa,idaystay kubad laga soo laaday koornada wuxuuna si xoogan shabaqa u sii dhexdhigay kubad uu meel fiican ka helay isagoona ciyaarta ka dhigay 1-1.
Ciyaartoyda xulka qaranka Mexico ayaa aad u niyad jabay kadib goolka bar baraha lakiin daqiiqadihii u danbeeyay ee lagu daray ciyaarta Robben ayaa kubad la soo galay diilinta ganaaxa lakiin kabtanka Mexico Marquez ayaa ku dhexjilaafay diilinta ganaaxa garsooraha ayaana tilmaamay rigoore.
Klaas-Jan Huntelaar ayaa gool u badalay rigooradii lagu galay Robben wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, sidaas ayeeyna ku soo idlaatay ugu danbayntii oo ay guushu ku raacday qaranka Holland.

HOLAND 4

HOLAND 5