Imtixaanadkii Shahaadiga Ahaa Ee Fasalada Afaraad Iyo Sideedaad Oo Maanta Dalka Si Rasmi Ah Uga Bilaambay Iyo Masuuliyiinta Waxbarshada Oo Ka Warbixiyey

Imtixaanadkii Shahaadiga Ahaa Ee Fasalada Afaraad Iyo Sideedaad Oo Maanta Dalka Si Rasmi Ah Uga Bilaambay Iyo Masuuliyiinta Waxbarshada Oo Ka Warbixiyey

Imtixaankii

Burco(Salaanmedia.com )June.21.2014-Imtixaanadkii Shahaadiga ahaa ee fasalada Afaraad ee dugsiyada sare iyo Fasalada Sideedaad ee Dugsiyada Hoose ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba dalka gudihiisa.

Masuuliyiinta sar-sare ee Wasaarada Wax barashada Somaliland oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magalaada Hargeysa ayaa waxaa ay ka warbixiyeen qabsoomida imtixaanadka iyo sida oo kale tirada Ardayda ah ee sanadkan u fadhiisatay

“Maanta waxaa bilaabmay oo bishu 21-tahay Imtixaanadii shahaadiga ahaa ee fasalada Afaraad ee Dugsiyada Sare ee fasalad Sideedaad ee Dugsiyada Dhaxe,waxaana ay ka bilaabmeen dalka darif ilaa darif tirada maanta imtixaanada u fadhiisanaysa maanta hadaan si guud idiinku sheego waa 7779-Arday oo dugsiga sare ah ayaa u fadhiisnayaa dugsiyada dhaxena waxaa u fadhiisanaya 13320-Arday”Ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax(Gadhwayne)

Wasiirka wasarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in meelkasta imtixaanadku ay ka socdaan,waxaana ay tidhi:
“Meel kasta oo xuduuda Somaliland ah Imtixaankii si wanaagsan ayaa uu uga socdaa waa ilaahay mahadii”