“Jagada Musharaxa Madaxweyneku-xigeenka Xisbiga WADDANI Waa La Isu- soo Taagi-karaa…”…Xog-hayaha guud ee xisbiga WADDANI.

“Jagada Musharaxa Madaxweyneku-xigeenka Xisbiga WADDANI Waa La Isu- soo Taagi-karaa…”…Xog-hayaha guud ee xisbiga WADDANI.

Xogahayaha Wad

Hargeysa(Salaanmedia.com)- Xog-hayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI , ayaa sheegay in qof kasta oo ka mid ah xisbiga WADDANI uu sharcigu u fasaxayo inay isku soo taagto musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI in ay is sharixi karto, isla markaana Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani Muumin Seed ayaa isaguna talaabadan ka soo baxday madaxda xisbigooda gashaanka ku dhuftay. Sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey Shababkada gudgudnews, waxaanu yidhi, “Sharcigu wuu u fasaxayaa qof kasta oo buuxiya shuruudaha looga baahan yahay in uu isku sharaxo jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, laakiin waxaa uu Xisbigu musharax Madaxweyne ku-xigeen u aqoonsanayaa qofka ku guulaysta jagadaa inay u doortaan golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI shirkooda soo socda,xisbiga WADDANI-na waa mid dimuqoraadi ah oo ogol in la wada tartamo oo gudihiisa laga dhex tar tamo.” Xog-hayaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay innaanu dhagaysan hadalkii ka soo yeedhay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani, balse waxa uu sheegay in cid kasta ay iska sharici-karto xisbiga dhex-diisa ee ku aadan Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Waddani waxaanu yidhi, “Horta hadalka Guddoomiye ku-xigeenka maan dhegaysan, manaan daawan oo waxba ka odhan mayo, laakiin jagada Madaxweyne ku-xigeenka waa la isku soo sharixi-karaa, laakiin immika muharax heer xisbi ah maaha ee waa gudahayaga oo uu qofku ka tartamayo, balse marka ay golaha dhexe cod ugu doortaan inuu yahay Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka ayuu xisbiga u gelalayaa Tartanka doorashada Madaxweyne iyo ku-xigeen ee soo socota.” Hadalkan xog-hayaha xisbiga Waddani ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmaaya waqti guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Boorama waxa uu sheegay in xubno yar ay wadaan talaabo ku khalad ah xisbiga waddani, isla markaana waxa uu uga digay inay khilaafkii xisbiga KULMIYE ku habsaday oo kale ay galiyaan xisbga WADDANI.