Khilaafka Xisbiga KULMIYE Maku Dambayn Doonnaa Mudo Kordhin Mise? Faallo:-Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe Janaale)

Khilaafka Xisbiga KULMIYE Maku Dambayn Doonnaa Mudo Kordhin Mise? Faallo:-Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe Janaale)

Faalo

‘Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIIYE oo ah Xisbi Xukuummi ah ayaa waxa hadheeyey khilaaf laba garab u qaybiyey, kadib markii Shirguddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga ay dhawaan Magacaabeen liiska guddiyada fullinta iyo golaha dhexe, taasoo ay deedafeeyeen hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi, waxaanay taasi sababtay in khilaafku sii xoogayso, isla markaana laba ardaa loo kala fadhiisto. Garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Maalin ka dib meel adag iska taagay liiska guddiyada ay soo saareen Shirguddoonka shirweynihii saddexaad, waxaanu sheegay inaanay sharci u haysan inay soo saaraan Liiska guddiyada fullinta iyo golaha dhexe, isla markaana uu roolkoodu ahaa hawlaha shirweynihii saddexaad oo kaliya, “Aniga ayaa xaq u leh Magacaabista Guddida fullinta iyo ansixinta golaha cid kale oo soo saari kartaana ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Maalin ka dib ka hadlaayey markii ay shirguddoonka shirweynihii saddexaad ay soo bandhigeen liiska guddiyada. Garabka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ayaa iyaguna dhankooda ku gacan saydhay Go’aanka guddoomiyaha, waxaanay difaaceen sharciyada liiskii ay ku dhawaaqeen, iyadoo ay taasi cirka ku shareertay khilaafkii Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda u dhaxeeyey. Labada garab waxa ay isku adeegsanayeen Distoorka Xisbiga KULMIYE, iyadoo qolkastaaba ay ku doodayeen inay xaq u leeyihiin ku dhawaaqista Xubnaha guddida fullinta, waxaanay arrintaasi abuurtay wel-wel badan laga muujiyey inuu burburo Xisbiga KULMIYE. Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan soo socda la dhawrayaa Go’aanka ay soo saaraan Guddida dhex-dhexaadinta ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, iyadoo ay Xisbiyada Mucaaridkuna ka digeen in heshiiskaas Xal looga dhigo Mudo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)