Khubaro ka tirsan jaamacad ku taala dalka Maraykanka Oo soo bandhigay faa’iidooyinka Soontu u leedahay Dadka

Khubaro ka tirsan jaamacad ku taala dalka Maraykanka Oo soo bandhigay faa’iidooyinka Soontu u leedahay Dadka

Soontu

Khubaro Mareykan ah oo wax ka dhigta Jaamacada Koonfurta California (University of Southern California) ayaa soo bandhigay faa’iidooyinka uu Soonku u leeyahay qofka bini’aadamka, gaar ahaan Unugyada xumaaday ama kuwa aan shaqeynayn. Khubaradan Mareykan ah oo sheegtay in sideed maalmood oo quda haddii laga Soomo sannadkii laga helo faa’iidooyin baddan oo la xidhiidha caafimaadka, gaar ahaana unugyada xumaadey ama kuwa aan shaqeyn. Khubaradan daraasadan sameysay ayaa ogaatey in haddii la Soomo laba maalmood in ka baddan sannadkii ay dib u soo noolaadaan unugyada xumaadey ee dadka waa-weyn iyo kuwa laga daweeyey Cudurka cancer-ka. Professor Valter Longo, oo ka tirsan Jaamacada Koonfurta California, ayaa xusay in marka qofku Sooman-yahay ama gaajoonayo uu jidhkiisu kaydiyo awoodiisa,islamarkaana dib u isticmaalo unugyadiisii fadhiidka ahaa iyo kuwii xumaadeyba.Taas oo suurta-gelinaysa in ay dib u soo nooladaan unugyadii ay xumeeyeen cimrigu iyo daawooyinka Cancer-ku.Khubaradan ayaa imika wada baadhitaano la xidhiidha Soonka iyo xubnaha jidhka iyo halbawlayaasha. Daraasad ayaa ku soo beegantay iyada oo ay Bishii Barakeysnayd ee Ramadaan ay ka hadhay wax yar, taas oo umadda Muslimiinta ahi u diyaargaroobeen bisha Barakeysan ee Ramadaan.