Khubaro u dhashay dalka Holland Oo ka digay khatarta laga dhaxlo Mobilka gacanta

Khubaro u dhashay dalka Holland Oo ka digay khatarta laga dhaxlo Mobilka gacanta

Mobilka Gac

Dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara isticmaalka Talefannka gacantu (Mobile) waa arrin aan weli go’aan laga gaadhin, laakiin waxaa si isdaba joog ah u soo baxa cilmi-baadhiso siyaabo kala duwan u soo bandhigaya khataraha caafimaad ee laga yaabo in uu Talefanka gacantu qofka ku keeno. Kuwii ugu dambeeyeyna waxa ka mid ah mid lagu sameeyey dalka Masar oo caddaynaysa in isticmaalka Talefanka gacantu (Mobile) khatar caafimaad ku yeelan karo ragannimada iyo awoodda dhalmo ee ninka. Cilmi-baadhistani waxa ay daah-furtay in fallaadhaha korontaysan ee loo yaqaanno Electromagnetic ee talefanka gacanta ka soo baxa xilliga lagu hadlayaa ay dilaan ama yareeyaan noolaha manida ee ninka, isla markaana ay saamayn xun ku yeeshaan dhaqdhaqaaqa iyo heerka bisayl ee manida. Waxa ay xeel-dherayaashu sheegeen in noolaha manida oo sidoodaba u nugul kulaylku ay isticmaalka talefanka gacanta kala kulmaan kulayl aanay u adkaysan karin iyo dhaawac ku yimaadda unugyo caawiyo nolosha iyo habka shaqo ee manida. Dr. Axmed Al-Qaraasi oo cilmiga dhalmada ragga iyo xanuunnada dilka ka dhiga jaamacadda Al-Qaahira ayaa ka digay in mawjadaha Electromagnetic ah ee ka soo baxa talefanka gacanta (Mobile) ama talefannada kale iyo is-gaadhsiinta aan xadhiga lahayn (Wireless) ay dhaawac muuqda ku keenaan gidaarka ama dahaadhka sare ee unugyada jidhka, gaar ahaan unugyada dhiigga cas, isla markaana ay khalkhal ku beeraan qanjidhada soo daaya dheecaannada lagama maarmaanka u ah jidhka. Ma’aha cilmibaadhistii ugu horreysay ee talefanka gacanta la xidhiidhisa khatar ma dhalaysnimo oo uu ku keeno ragga, daraasad hore oo ay samaysay xarunta Cleveland Clinic oo Maraykan ah ayaa iyaduna ka digtay in isticmaalka badan ee talefanka gacantu (Mobile) uu burburiyo noolaha manida ee ragga, taasina ay keenayso madhalaynimo. Daraasad ay samaysay xaruntan oo ah xarun caafimaad oo caalami ahi, waxa ay sheegtay in ninka 4 saac iyo ka badan isu-geyn, maalin kasta isticmaala talefanka gacantu ay heerka manidiisu gaadho 50 milimitir oo ah halka ugu hoosayso, isla markaana laga yaabo in xataa xaaladdiisa caafimaad ee kale hoos u dhacdo. Daraasaddani waxa ay ku sababaysay natiijadan; In fallaadhaha ka soo baxa talefanka gacantu ay dhibaato gaadhsiiyaan DNA-ga isla markaana uu raadayn xun ku yeesho unugyo ku jira xiniinyaha ragga oo soo saara hormoonka Testosterone, waxa ay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyaan dhuumaha ay ku jiraan noolaha manidu. Khubaro u dhashay dalka Holland oo iyaguna dhawaan cilmibaadhis ku sameeyey khatar caafimaad ee ka dhalan karta isticmaalka Talefanka gacanta ayaa sheegay in uu yareeyo firfircoonida maskaxda iyo awoodda uu qofku u leeyahay deggenaanta iyo fikirka. Daraasado kale oo hore ayaa iyagun sheegay in isticmaalka badan ee Talefanka gacantu keeno kansar, ama nabarro iyo burooyin ku beerma neerfayaasha maqalka, waxa kale oo lagu sheegay in isticmaalka badan ee talefanka gacantu uu keeno madaxa oo badhkii soo gaadho dhibaato dhinaca neerfayaasha ahi.