Khuburro Iftiimiyey in Isticmaalka Ipad uu Caafimaad darro u Keenno Dhalinyarta Iyo Carruurta Yar yar

Khuburro Iftiimiyey in Isticmaalka Ipad uu Caafimaad darro u Keenno Carruurta Yar yar

Ipods

Isticmaalka telefoonada Ipad iyo aaladaha kale ee leh Keyboard-yada ayaa daraasadan lagu sheegay inay caafimad darro u keenayaa gacmaha carruurta, gaar ahaan faraha carruurta yaryar, isticmaalka kaybord-yada waxa uu saamayn ku yeelanayaa korriinshaha muruqa gacmaha carruurta. Sida caadada ah muruqa gacmaha carruurta ayaa waxa ay koraan sannadyada hore, laakiin cilmi baadhistaan ayaa lagu sheegay in telefoonnada Ipad-yada iyo guud ahaan isticmaalka keyboard-yada ay dib u dhig ku keenayso korriinshaha murqaha gacmaha carruurta. Waxa ay soo jeediyeen khubaro ka howlgala akadeemiyadda Maraykanka ee caafimaadka carruurta in waalidku ay ka war qabaan carruurtooda isla markaana ay xaddidaan saacadaha ay ilmuhu isticmaalayaan telefoonnada Ipad, waxa ayna ku taliyeen in aanay saacadaha ay carruurtu isticmaalayaan aaladaahaan aanay ka badan 2 saac malintiiba. Sidoo kale khubaradaan ayaa ku taliyay in carruurta ay da’doodu tahay 2 sanno aanay gabi ahaanba isticmaalin aaladahaan, oo ay waalidka la gudboontahay in aanay qolka carruurta da’daas ah aanay qolkooda gayn aaladahaan. Daraasad hore oo xilli hore la soo saaray ayaa lagi sheegay in isticmaalka carruurta ee aaladahaan ay ku keenayso dhabar xanuun joogta ah iyo sidoo kale qoor xanuun, sidaa darteed waxaa la gudboon waaliddiinta inay ka fikiraan caafimaadka carruurtooda, oo ay xadeeyaan isticmaalka carruurta ee aaladahaan.