Koox Shufto Baastooladdo Ku Hubaysan Oo Laba Qof Ku Dhaawacay Degmada Gaarisa Ee Dalka Kenya

Koox Shufto Baastooladdo Ku Hubaysan Oo Laba Qof Ku Dhaawacay Degmada Gaarisa Ee Dalka Kenya

Gaarisa

Kenya(Salaanmedia.com)Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa gellinkii dambe ee maanta laba qof ku dhaawacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, taas oo keentay in xaaladdu ay is-bedesho lana xiro goobihii ganacsiga magaaladaas.
Labadan qof ayaa lagu toogtay xaafadda Guuleed oo ah goob ay ku yaallaan tiro badan oo dukaamo ganacsi ah, suuq iyo maqaayado laga cunteeyo, waxaana loo qaaday labadan qof isbitaalka magaalada Gaarisa iyadoo qalliin lagu sameynayo.
Ganacsatada degmada Gaarisa oo dhan ayaa xiray dukaammadii iyo gabi ahaan goobihii ganacsiga xiray aadayna guryahooda, iyadoo degmada ciidammo badan lagu soo daadiyay, kuwaasoo baaritaanno wada.
Kooxaha weerarkan geystay ayaa la sheegay inay goobta kaga carareen mid ka mi ah bastooladihii ay toogashada ku sameeyeen, lamana illaa hadda sababta ka dambeysay in labadan qof la bartilmaameedsado iyo cidda ay ahaayeen kooxihii weerarkan geystay.
Mas’uuliyiinta degmada Gaarisa ayaan weli ka hadlin dhacdada, iyadoo degmada ay xaaladeedu isbedeshay, dadkuna ay guryahooda galeen, waxaana tani ay ku soo beegmaysaa xilli laba habeen oo isku xigta la weeraray Mpeketoni oo ka mid ah deegaannada ku yaalla xeebta dalka Kenya.
Goobta lagu dhaawacay labadan qof oo rayid ahaa ayaa toddobaad ka hor waxaa lagu dilay wadaad ka mid ah kuwa sida weyn looga yaqaan Gaarisa, iyadoo ay kooxo bastoolado ku hubeysan toogteen xilli maqribbadii ah.
Magaalada Gaarisa oo xilliyadii ugu dambeeyay deggenayd ayaa loo arkaa inay kusoo laabanayso nabadgalyo xumadii, iyadoo la xusuusto in dhowr jeer ay ka dhaceen degmada toogashooyin iyo qaraxyo ay geysteen kooxo aan haybtooda la garanayn.
Weerarradan ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli ay ku dhawaaqday Al-shabaab inay dagaalkooda u wareejinayaan gudaha dalka Kenya ayna dili doonaan ciidamada Kenya iyo cid walba oo ay u arkaan inay dowladda la safan tahay.