Kooxaha halista ah Ee cunsuriga ah Ee Naasiyiinta Cusub oo faro ba’an ku haya ciyaaraha Adduunka!

Kooxaha halista ah Ee cunsuriga ah Ee Naasiyiinta Cusub oo faro ba’an ku haya ciyaaraha Adduunka!

BARZIILL

Baaqii FIFA ee ku aadanaa cidhib-tirka cunsuriyadda iyo isla waynida ku dhisan ayaa dhego awdan ku dhacay. Guddiga la dagaallanka midab-takoorka ee FIFA yaa Khamiistii soo weriyay inay jiraan astaamo muujinaya cunsuriyad ama waxa loo yaqaanno naasiyiinta cusub (neo-Nazi) oo ka sooo daahiray kulamadii ay ciyaareen Ruushka iyo Croatia. Maalintii doraad ahayd ayayse masraxa la soo koreen aragtidooda, kadib markii uu midkood ooda soo jabsaday isagoo soo galay ciyaartii Ghana-Germany, iyadoo ay la yaab ahayd inaan kooxihii amaanka nidaaminayay aanay ka hortegin wuxuuna soo dhex istaagay garoonka ka hor intaanu bannaanka u gelbinin laacibka Muslimka ah ee khadka dhexe uga ciyaara Ghana & AC Milan Sulley Cali Muntari. Waxay sida la hubo u muuqataa in kooxaha ay amaanka u igmatay FIFA ay wax badan ka qaban karaan inay garoomada ka celiyaan oo ay banaanka ku horaan dadka u imanaya inay faafiyaan nacayb ay xikmad ku fadhiyin sida kuwa aad sawirka ka aragto oo ka mid ahaa taageerayaasha Jarmanka oo kulankii Ghana wejiga soo madoobaystay iyagoo u duur-xulayay xulka Ghana