Kooxda Khaatumo Oo Ku Hanjabay In Ciidamada Qaranka Ku Qaadayaan Xeelad Dagaal Oo Cusub

Kooxda Khaatumo Oo Ku Hanjabay In Ciidamada Qaranka Ku Qaadayaan Xeelad Dagaal Oo Cusub

Khaatumo Hanja

Saax-dheer, 22 June 2014 (Salaanmedia.com)- Hoggaamiyaha kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo Jaamac Yuusuf Indha-sheeel, ayaa fariin hanjabaad ah u diray Madaxweyne ku-xigeenka maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana waxa uu sheegay inay dagaal cusub ku qaadayaan xadka Somaliland ee ciidamada qaranku ku sugan yihiin, sidaana waxa yidhi hoggaamiyaha kooxdaas nabad-diidka ah.“Waxaanu Taleex uga soo baxnay waa qorshe dagaal, laakiin-se waxa bilaamay qorshe cusub oo dagaal. Dagaalka aan bilaabaynaa ee cusub waa mid la maqlidoono, laakiin wax-ba halkan ka sheegimayo. Ninkii warankaagu galo ayay weedhaaduna gashaa, waxaana balan ah inaanay sii joogin Taleex,”ayuu yidhi Jaamac Indha-sheel. Hoggaamiyaha kooxdaas oo fariin hanjabaad ah u diray maamulka Puntland waxa uu yidhi,“Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo kuwa kale ee la socda haddii aanu hore xabada uga dayn jirnay immika kadayn mayno ee godka aad ku jirto ayaanu kugu soo galaynaa.” Indha-sheel oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi,“Meel kasta oo deegaanka lahaysto ah waanu wada hadalnay inay dadku kacaan oo hawl-gallo ka sameeyaan oo ay meel walba kula dagaalamaan cadowga waanay na diideen, wiilashan yaryari ilaa iyo saylac ka yimi.” Hoggaamiyaha kooxdaas firdhadka ah ee khaatumo, ayaa la sheegay inay ku dhuumanayaan deegaanka Saax-dheer, isla markaana, isaga iyo kooxdiisa nabad-diidka ah oo dhawaan dhaqdhaqaaqyo amni-darro ka abaabulayey deeganadaasi,waxay dhirbaaxo kuluul kala kulmeen Ciidamada qaranka oo ka baacsaday meelihii ay ka wadeen ammaan-darada.