Kooxda Suniyiinta ah ee dagaalka ka wada dhulka Shaam Oo ciyaaryahan Messi ugu baaqay inuu kala qayb-galo dagaalka Jihaadka ah Ee ka socda Ciraaq,

Kooxda Suniyiinta ah ee dagaalka ka wada dhulka Shaam Oo ciyaaryahan Messi ugu baaqay inuu kala qayb-galo dagaalka Jihaadka ah Ee ka socda Ciraaq,

MEZZI

Suuriya iyo Lubnaan Kooxda Suniyiinta ah ee dagaalka ka wada dhulka Shaam ( Ciraaq, Suuriya, iyo Lubnaan ) ayaad moodaa in dagaalkooda qoriga iyo qaraxa ah ay ku soo kordhiyeen dagaal maskaxeed, kadib markii ay bartooda ay ku leeyihiin Twitter ku soo daabaceen hadal dad badan fajac ku noqday. Hadalka ay ku baaqeen ayaa ah in ay xiddiga kubbada cagta aduunka ee xulka Argentine iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ay ugu hambalyeynayaan goolkii u ka dhaliyay Iran, ayna ugu baaqayaan inuu safafka jihaadka ku soo biiro, iyagoo u bixin doona magaca ah Aabaha gool dhalinta ee reer Argentine, waxayna Messi u balan qaadeen inay ka dhigi doonaan amiirkooda u qaabilsan Laatiin Ameerika. Warbixintan oo lagu qoray barta internet-ka ee Telefishinka Al-carabiya kaasoo isna soo xiganaya wargeyska mareykanka ee Washinton Post ayaa intaas ku daraya in Kooxda ISIS ay si weyn ugu dabaal degeen goolkii Lionel Messi uu ka dhaliyay xulka Iran kulankii dhex maray Argentine iyo Iran, kaasoo Argentine ay ku badisay goolkii uu Messi shabaqa taabsiiyay.