Kooxda Taliban oo weerar 2-aad ku qaaday Airportka Karachi

Kooxda Taliban oo weerar 2-aad ku qaaday Airportka Karachi

Daalibaan

Waxaa maalinimadii Talaadada mar labaad weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi kooxda Talibanka. Weerarkan labaad ayey kooxda la beegsadeen qeyb kamid ah Airporka oo ay ku taal xerada lagu tababaro illaalada khaaska ah ee illaaliya Garoonka diyaaradaha Karachi. Maleeshiyaadka Talibanka ayaa rasaas ku furay Akadamiyada lagu tababaro ciidamada illaalada Airportka, waxaana la sheegay in weerarkan uu ahaa mid kooban. Kooxda Talibanka ayaa sheegatay weerarkan. Waa Weerarkii labaad oo lagu qaado Airporka Karachi 48saac gudahood, kadib weerarkii habeenkii Isniinta lagu qaaday oo socday 5 saac ayey ku dhinteen 36 qof. Maalinimadii shalay ayey ciidamada gurmadka heleen 7 meyd oo horleh laga soo saaray qeybta xamuulka ee Airporka oo gebi ahaan gubatay.