Luiz Felipe Scolari: “Neymar waa Messiga Brazil”

Luiz Felipe Scolari: “Neymar waa Messiga Brazil”

NAYMAR

Tababaraha Xulka Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa qiray in Neymar uu muhiim ugu yahay dalkiisa sida Lionel Messi uu muhiim ugu yahay dalkiisa Argentina kadib markii uu dhaliyay labo gool xalay 4-1 ay ugu badiyeen Weeraryahanka Barcelona ayaa hogaanka u dhiibay dalkiisa waxaana uu dhaliyay xalay goolkiisii afaraad intan uu tartankan socdo“Brazil waxaa ay ku tiirsan tahay Neymar si lamid ah sida Argentine ay ugu dhisan yihiin Messi “Waa ciyaaryahano kala duwan oo isbadal sameyn kara,Neymar waa hogaamiyaheena sida Messi uu ka yahay Argentine.” ayuu yidhi macalinka Brazil. Brazil ayaa ka bad baaday iney ku beeganto wareega 16-ka Netherlandslaakiin waxaa ay wajahayaan Chile oo ku soo baxday kaalinta labaad balse Luiz Felipe Scolari ayaa sheegay in aanu dhayalsan doonin Chile uu sheegay inay tayo leeyihiin.