Maamul-goboleedka Putland oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland

Maamul-goboleedka Putland oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland

Cabdi Wali

Boosaaso, 16 June 2014 (Salaanmedia.com)- Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ku hanjabay dagaal ka dhan ah ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan xadka deegaanada dalka Somaliland. Madxweynaha maamul-goboleedka Puntland iyo ku-xigeenkiisa Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camay), ayaa ku hanjabay inaan loo dulqaadan karin dagaalka qaawan ee ay Somaliland ku soo qaaday degmada Taleex. Hoggaamiyaha maamul-gobolleedka Puntland oo xilli uu shalay ka dhoofayey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, isaga oo u sii jeeda dalka Immaaradka Carabta ayaa ka hadlay safarka isaga iyo wafti uu horkacayey oo u sii jeeday dalka Immaaraadka Carabta, waxaanu yidhi,“Waxaan u ambabaxayaa waddanka isu-taga Immaaraadka Carabta oo aanu ka helnay martiqaad rasmi ah aniga iyo xubno ka tirsan dowlada, socdaalkuna waxa uu la xidhiidha sidii aanu u adkayn lahayn xidhiidhka noo dhaxeeya.” Madaxweyne Gaas waxa uu ku hanjabay in immika wixii ka danbeeya Puntland innaanay u dulqaadan doonin dagaalka qaawan ee ay Somaliland ku soo qaaday Taleex, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Dagaalkii qaawanaa ee Soomaaliland ku soo qaaday degmada Taleex kuna laysay dad kuwa kalena ku barakiciysay waa wax aan loo dulqaadan Karin, markaa waanu difaacaynaa Taleex.” Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka maamul-gobaleedka Puntland, ayaa si xaqiiqada ka fog uga jawaabay Baaq ay shalay wada-jir u soo saareen Midawga Yurub, Maraykanka iyo Ingiriiska Wakiillada u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay inaanay garan karin si ay u kala saaraan Somaliland iyo Malleeshiyada Al-Shabaabta Galgala sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camay), oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sheegay inuu xaqiiqada ka fogyahay oo aan la aqbali karin Baaqa ay Wakiilladaasi wada jirka u soo saareen ee ay ku soo jeediyeen in la dejiyo xaaladda kacsan iyo colaadda ka taagan deegaannada gobolka Sool ee Somaliland, gaar ahaan Taleex iyo Saax-dheer oo dagaallo ku dhex-mareen Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleesshiyooyinka Puntland iyo Khaatumo“Waxaan maanta shirkaan jaraa’id u qabtey annigoo raba inan tixraaco war-saxaafaded ka soo baxay Midowga Yurub iyo Marekanka oo sheegey inuu jiro dhul lugu murunsanyahay oo ay Puntland leedahay, balse waxaan idin sheegaya inuu baal-marsanyahay qoraalka ka soo baxay xaqiiqada, waxaanan odhan-karaa inaanay dhulka iyo dadka aqoon u lahayn, waxaana caddeynayaa dhulka inuu yahay dhul Puntland ah dadkuna yihiin Puntland.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland oo iska indha-tiraya xaqiiqada rasmiga ah, isla markaana si indho-la’aan ah uga jawaabay Baaqa ay Masuuliyiintaasi kula hadleen dawladda Somaliland iyo Malleeshiyooyinka Puntland iyo Khaatumo waxa loogu yeedho taabacsan“Annagu hab aan u kala sarno Al-shabaab iyo Soomaaliland ma naqaanno waayo? Markasta oo ay soo duulaan waxa ay Buuraha Gal-gala soo geliyaan Rag ka tirsan Al-shabaab, waana xaqiiqo, beesha caalamkana waxaan u sheegeynaa wararkii aad idinku heyseen baan annaguna heynaa oo ahaa in xeryo Burco ku yaalla,waxaana cadeyn ku filan inaysan jirin qof Al-shabaab ka tirsan oo Somaliland lugu maxkamadeyey.” Ayuu yidhi mar kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay oo Shirkiisa Jaraa’id guud ahaan u muuqdo mid abaabulaaya colaad ka dhan ah Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenku waxaa kale oo uu sheegay inay Puntland gacanta ku heyso 8 nin oo Al-shabaab ah kuwaasoo ka soo duuley Muqdisho oo Hargeysa ka soo degey,waxaana uu inta ku darey inay cadeymo badan faraha ku hayaan,isagoona caalamka ugu baaqey in indho dheer loo yeesho Soomaaliland. Waxaanu sheegay inay tallaabooyin deg-deg ah qaadayaan oo uu sheegay inay kula dagaallamayaan Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan xuduudaha dalkooda oo deegaannada ka maqanna ballan-qaaday inay gaadhi doonaan.