Madaxweynaha Iran Oo booqasho Taariikhi ah ku Tagay Turkiga

Madaxweynaha Iran Oo booqasho Taariikhi ah ku Tagay Turkiga

Madax Eran

Madaxweynaha Iran Xassan Rowxani ayaa booqasho ku tagay shalay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, waana booqashadii ugu horeysay oo uu hogaamiye Iran ku tago dalka Turkiga tan iyo 2008. Madaxweynaha Iran ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Turkiga iyo Raysalwasaaraha Tayyib Erdogan, ayaa shaaca ka qaaday in labada dal ay sii xoojin doonaan xidhiidhkooda Ganacsiga. Labada dhinac ayaan weli wax heshiis ah ka gaarin dhanka Siyaasada gaar ahaan arrinta dagaalka Siiriya ka socda oo ay labada wadan si weyn ugu kala aragti duwan yihiin. Balse Turkiga iyo Iran ayaa ah labo isu baahan iyadoo dowlada Turkiga ay kamid tahay wadamada faro ku tiriska ah ee Shidaalka ka qaata dalka Iran, halka dowlada Iran aysan xiligan ka maarmin dhaqaalaha kasoo gala ganacsiga ay la leedahay wadanka Turkiga.