Madaxweynaha Ivory Coast oo laba jibaaray Abaal-gudkii lacageed Ee uu u Ballan qaaday ciyaartoydiisa haddii ay badiyaan Kulanka Caawa

Madaxweynaha Ivory Coast oo laba jibaaray Abaal-gudkii lacageed Ee uu u Ballan qaaday ciyaartoydiisa haddii ay badiyaan Kulanka Caawa

AAy Fari Cost

Madaxweynaha Waddanka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa ku dhawaaqay in uu laba jibbaari doono Abaal marintii lacageed ee uu u ballan qaaday ciyaartoyda xulka Qaranka dalkiis haddii ay ka guuleystaan xulka Greece kulanka caawa. Warkan ayaa waxaa xaqiijiyay xidhiidhka Kubadda Cagta Ivory Coast (IFF), waxaana ciyaartoyda Côte d’Ivoire ay u soo gudbi karaan wareegga 16-ka Koobka Adduunka Brazil haddii ay ka badiyaan xulka Giriigga. Xidhiidhka Ivory Coast waxa uu sheegay in ciyaartooy walba oo ka tirsan xulka uu heli doono 50,000 Euro (67,930 Dollar), iyadoo yaboohanna loogu talo galay in niyadda loogu dhiso laacibiinta xulka Maroodiyaasha oo kulankoodii ugu horreeyay Koobka Adduunka 2-1 ku dhuftay Japan, halka ciyaartii labaadna guuldarro 2-1 ay kala kulmeen Colombia. Ivory Coast waxay ku jirtaa kaalinta 2-aad ee qaybteeda iyadoo leh saddex dhibcood, waxaa ka sarreysa Colombia oo leh lix dhibcood, halka Japan iyo Greece ay wada leeyihiin min hal dhibic.