Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha

Xidhiidhki Golayasha

Hargeysa(Salaanmedia.com)Jun.3.2014-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamed(Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.

Ujeedo:Xil-ka.Qaadis

Ku: Mudane, Aaden Axmed Warsame,
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

Mudane, Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.