Madaxweyne Silaanyo Oo Golayshiisa Qaranka Ugu Baaqay Shir Ay Kaga Arrinsanayaan Difaaca Xuduudaha Bari Ee Somaliland

Madaxweyne Silaanyo Oo Golayshiisa Qaranka Ugu Baaqay Shir Ay Kaga Arrinsanayaan Difaaca Xuduudaha Bari Ee Somaliland

silaanyo1

Hargeysa(Salaanmedia.com)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka kulan balaadhan u qabanaya Golayaasha Qaranka Somaliland iyo Axsaabta siyaasadda, kaasoo lagaga arrinsanayo difaaca Xuduudaha Goboladda Barri iyo dagaalka ay Puntland Iclaamisay.
Kulankan oo maanta ka qabsoomaya Qasriga Madaxtooyada waxa shirguddoomin doona Madaxweyne Siilaanyo, waxaana ka soo qayb galaya Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanaka Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran, waxaana lagaga arrinsan doonaa talaabada ku haboon ee ay Somaliland ka qaadanayso dagaalka ay Puntland ku doonayso inay ku soo qaado Goboladda Sool iyo Sanaag Barri.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo go’aansatay inay sugto xuduudaha Dalka isla markaana weeraro ku ekaysay kooxda Khaatumo oo shir lidi ku ah Somaliland ka waday magaaladda Taleex ayaa warbixin ka siin doona Golayaasha iyo Axsaabta halka uu marayo dagaalkaasi.
Sidoo kale, waxa la filayaa inuu kaga codsan doono in go’aan Qaran oo midaysan laga qaato talaabada daan daansiga ah ee Puntland iyo Somaliya ay ku doonayaan inay dagaalo kaga ridaan deegaamada Barrie e Somaliland, taasoo loo baahan yahay in la isku bar bar ataagaoa xukuumadda iyo Ciidamadda Qaranku hawl-galada ay kaga hor tageen arrintaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ay Xukuumadda isku kacsan yihiin ayaa kulankan lagu wadaa in uu ka soo qayb galo maadama uu diiday in uu habeen dhaweyd ka soo qayb galo kulan uu Madaxweynuhu isugu yeedhay hogaanka Xisbigiisa, kaasoo Muuse Biixi dalbaday inay si gaar ah isku arkaan, waxaanay noqon doontaa hddii uu ka qayb galo meel uu ka heli karo fursad uu Madaxweynaha kula kulmo.
Si kasta ha ahaatee Somaliland oo dhawr jeer ooh ore u dabranayd baaqyo beesha Caalamku ka soo saartay talaabooyinka ay ku sugayso xuduudka ayaa u muuqda in ay dhagaha ka furaysan doonto maadaama xaaladda imika taagani marayso meel adag.
Somaliland iyo Puntland ayaa labaduba ku baaqay inaanay cidna kala gorgortami doonin hanashada Goboladda Sool iyo Sanaag, waxaanay tani muujinaysaa inay labada dhinacba u dhaqaaqeen inay ku kala calaf qaadan Cudud Milatari.
Somaliland ayaa muujisay awood ay kooxda khaatumo kaga dareerisay Gobolka Sool, waxaanay u muuqataa inay mar kale waajihi doonto inay Puntlandna ka difaaci doonto inay cagaha soo dhigto gudaha xuduuda Somaliland.