Maraykanka oo shaaciyey in dhalinyaro Soomaali ahi ku biireen Al-qaacidada ka dagaalanta dalka suuriya

Maraykanka oo shaaciyey in dhalinyaro Soomaali ahi ku biireen Al-qaacidada ka dagaalanta dalka suuriya

Brak Obama

Washinton , 14 June 2014 (Salaanmedia.com)- Ha’yadda’FBI-da Maraykanka, ayaa sheegtay in dhalinyaro Soomaali ah oo tiradoodu gaadhayso toban dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku noolayd dalka Maraykanka inay u safreen waddanka Syria, iyagoo ku biiray kooxaha dalkaas ka dagaalama ee Al-qaacida, isla markaana FBI-du waxay sheegtay inay jiraan qaar hore oo ku biiray kooxda dagaalka kula jirta dawlada uu hoggaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad. Afhayeenka xafiiska FBI-du ku leedahay Minneapolis Kyle Loven, ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in illaa iyo 15 ruux oo Soomaali ah ay bilihii la soo dhaafay ka tageen waddanka Maraykanka iyagoo aaday dalka Turkiga, kadibna ay uga sii gudbeen dhanka dalka Syria , kuwaas oo ku biiray ururka Al-Qacida qeybta ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq. Kyle Loven, waxa uu xusay in xogta ay hayaan ay sheegeyso in dhalinyarada Soomaalida ah Maraykanka ah ee Al-Qacida ku biiray ay haddaba dagaal ku jiraan iyagoo ka bar-bar safan dagaalamayaasha Al-Qacida ee doonaya inay xoog xukunka uga tuuraan dawlada Syria. Sargaalkaan FBI-da Maraykanka u hadlay waxa uu hadalkiisa ku sheegay inay hadda wadaan baadhis ay ku doonayaan inay ku ogaadaan cidda dhalinyarada Soomaaliyeed ku dhiiri galisa ku biiritaanka ururada Al-Qacida ku xidhan ee haddana safarada u fududeysa. Sanadihii 2007-dii, 2008-dii illaa 2009-dii illaa labatameeyo dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay inay inta Maraykanka ka soo tageen ay ku biiraan Xarakadda Al-Shabab oo ay dagaalameen qaarna meelo ka mid ah Soomaaliya ayay isku qarxiyeen.