Maxaa ka Jira : Gabadh Liqday Mobile-keedii Si Ay Saaxiibkeed Uga Qariso Fariin Jacayl ah Oo Loo Soo Diray

Maxaa ka Jira : Gabadh Liqday Mobile-keedii Si Ay Saaxiibkeed Uga Qariso Fariin Jacayl ah Oo Loo Soo Diray

Mobil Liq

Iyadoo dhacdooyin sida weyn looga yaabo ka dhacaan Caalamka ayaa haatan waxa noqotay dhacdada ugu hadal heynta badan arin haatan sameyse Gabadh u dhalatay wadanka Brazil ayaa lagu soo waramayaa in ay liqday gabi ahaanba taleefankeeda gacanta kadib markii uu usoo galay saaxiibkeed.
Gabadhani oo 19 jir ah laguna magacaabo Adriane Andrade oo la sheegay in ay khiyaano ku waday saaxibkeed ayaa la tilmaamay in taleefankeeda u liqday si ay uga qariso fariin (SMS) loo soo diray.
Sida ay sheegayaan wararka, saaxibkeed ayaa waydiiayay in taleefanka ay u dhiibto kadib markii uu ka shakiyay, balse taa badalkeeda, Adriane waa ay diiday waxaana ay ka door biday in ay liqdo taleefanka.
Markiiba, gabadhaasi ayaa loola cararay isbitaal halkaasoo haatan lagu dabiibayo xaaladeeda caafimaad.