Maxaa kala qabsaday Lionel Messi iyo Nin u eg Ronadinho?

Maxaa kala qabsaday Lionel Messi iyo Nin u eg Ronadinho?

Mesi Mid Rolandiino

Tababarka uu xulka Argentina ka sameynayo dalka Brazil isla markaana isugu diyaarinayo kulankooda kulankooda ay axada la yeelan doonaan Bosnia ayaa waxaa ka dhacday arrin cajiib ah oo aad u qosol badan. Halka ay tababarka ku sameynayeen xulka Argentina ayaa waxaa soo galay nin aad u shabaha Ronaldinho kaas oo aad uga yaabiyay aadna uga qosliyay Lionel Messi“Wuu naxay markuu i arkay maxaa yeelay? wuxuu mooday inaan ahay Ronaldinho-ha dhabta ah, wuxuuna ii sheegay inaanan u baahnay inaan ku soo cararo garoonka si aan u arko.”. Wuxuuna intaa ku daray “Maxaad u sameynaysaa inaad halkaan ku soo cararto si aad ii aragto? Markii uu gacanteyda qabtay jilbaha ayaan dhulka dhigtay waana foorarsaday, waxay ahayd mid qiiro badan”. Si kastaba ha ahaatee waxaa sidoo kale garoonka soo galay mid kale oo Messi kabaha u tir-tiray iyadoo uu markii dambe Messi xabadka galiyay taageerahaasi isla markaana siiyay funaanadiisa inta aanay ilaaladu garoonka ka saarin.