Maxamed Kaahin Iyo Odayaal Beeshiisa Ka Soo Jeeda Oo Kulan Garnaqsi Ah Foodda Isku Daray: Taladii Odayaasha Iyo Dooddii Kaahin

Maxamed Kaahin Iyo Odayaal Beeshiisa Ka Soo Jeeda Oo Kulan Garnaqsi Ah Foodda Isku Daray: Taladii Odayaasha Iyo Dooddii Kaahin

maxamed-kaahin-150x150

Hargeysa(Salaanmedia.com)Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeeka 1aad ee xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay in ay darraad Salaasadii kulan gaar ah oo siyaasadeed oo albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen kaasi oo la sheegay in odayaashani ergo ahaan ugu tageen Guddoomiye ku xigeenka kana codsadeen in uu ka soo laabto go’aanka uu ku qaatay in uu kula safto garabka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyaga oo la sheegay in ay ka dalbadeen ama dardaaranka ku siiyeen in uu qaboojiyo int akaraankiisa ah xaaladda khilaafka xisbiga KULMIYE kuna soo biiro safka Xubnaha sare ee KULMIYE u badan yihiin oo ah Dhinaca taabacsan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Sida aanu ku hellay ilo xog ogaal ah oo kulankaasi ka ag dhawaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa la sheegay in ay odayaasha iyo waxgaradka beeshiisa gondaha is galiyeen kulan saacado qaatay oo ay labada dhinac si weyn mid kastaa dhiniciisa ugu soo bandhigay wixii oo dood iyo burhaan hayay iyada oo aan illaa imika la ogayn natiijada kama dambaysta ah ee kulankaasi ka soo baxday balse ilo wareedyo kulankaasi u dhuun daloolaa ay Foore u xaqiijiyeen in Odayaashu badheedhahooda ka dhiibteen aragtida ay ugu yimaadeen Maxamed Kaahin oo ah in uu ka tanaasulo mucaaradnimada uu ku noqday tiirka labaad ee garabka Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kuna soo biiro dhinaca Madaxweynaha.
Wararka aanu kulankaasi ka helaynaa waxa ay intaasi ku darayaan in Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Mj. Maxamed Kaahin Axmed siyaasad ahaan la fikir yahay qaybta uu ka tirsan yahay oo uu qabo aragtida Guddoomiyaha KULMIYE ka qabo khilaafka KULMIYE balse aanu marnaba wax dhibaato ah u arag kana soo hor jeedin musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale wararkan ayaa sheegaya in Maxamed Kaahin Axmed si adag ugu hadlay utunka Khilaafka KULMIYE iyo koox ay aad ugu kala aragti duwan yihiin siyaasadda xisbiga KULMIYE khilaafkana iyagu wada balse aanu isagu wax dhib ah marnaba u arag musharaxnimada Madaxweynaha. Kulankaasi ayaan la ogayn ugu dambayn labada dhinac wax ay isla meel dhigeen balse la sheegay in ay mabda’ ahaan isula qaateen in khilaafka si kast aoo lagu xallin karo la maro si loo badbaadiyo xisbul xaakimka KULMIYE. Kulankan ayaa ku soo beegmay waanwaanta laga dhex wado xisbigaasi ee ay ku jiraan guddida Golaha Guurtidu oo maalmihii ugu dambeeyey isaga dab qaadayay dhinacyada kala Fog ee KULMIYE