Maxkamad Ku Taalla MASAR Oo Xukun Toddoba Sano Ah Ku Riday Sadex Weriye Oo ALJAZEER Ushaqeeya

Maxkamad Ku Taalla MASAR Oo Xukun Toddoba Sano Ah Ku Riday Sadex Weriye Oo ALJAZEER Ushaqeeya

JARMAL

Burco(Salaanmedia.com)Maxkamad ku taalla Masar ayaa xukun toddoba sano oo xarig ah ku ridday saddex weriye oo u sheqeeya TV-ga laga leeyahay dalka Qatar ee Al-Jazeera.

Waxay maxkamaddu sheegtay in lagu helay dambi ah inay fidinayeen warar been abuur ah oo ay la shaqeynayeen ururka dalkaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Musliminka.

Weriyayaashaasi waxaa ka mid ah Peter Greste, oo horey ula shaqeyn jiray BBC-da isla markaana u dhashay dalka Australia.

Xukunka ka hor ayaa ra’iisalwasaaraha Australia Tony Abbot waxaa uu baaq u diray madaxweynaha Masar Abdul Fatah al-Sisi, uu kaga codsaday siideynta weriyaha Al-Jazeera ee Peter Greste.