Maxkamada go’aan ka soo saartay Telefishin laga leeyahay dal caan ah

Maxkamada go’aan ka soo saartay Telefishin laga leeyahay dal caan ah

Telwfition

Maxkamada Sare ee Sweden ee Högsta förvaltningsdomstolen (HFD) ayaa go’aan ka soo saartay ku sheegtay in kombutarada aan laga qaadi doonin lacagta telefishinka ee loo yaqaan (tv-avgift) taasoo ay qaado shirkada Radio Tjänst. Arintan ayaa ahayd mid ay dad badan dhibaato ka haysatay ka dib markii sannadkii hore ay Radio Tjänst bilowday in ay dadka aanu telefishinka u oolin lacag ka qaado, iyagoo ku dooday in kombutarka uu qofku telefishinka ka daawan karo. Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegtay in kombutarka loo isticmaalo internetka aanu ahayn mid loogu talagalay telefishin daawasho, maxkamada ayaa intaas ku dartay in kanaalada laga daawado internetka aanay ahayn kuwa telefishinka oo kale ee ay yihiin kuwo qofku uu booqanayo. Go’aanka maxkamada ayaa ah mid muhiim ah oo ay dad badan si weyn u soo dhaweyn doonaan, iyadoo ay dhibaato badan kala haysatay shacabka iyo