Messi Oo markii ugu horaysay qiray inuu ka masayro soo hadal qaadka Diego Maradona

Messi Oo markii ugu horaysay qiray inuu ka masayro soo hadal qaadka Diego Maradona

Messi-and-Maradona-495x343

Xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa qirtay inuu mar walba ka masayro Diego Maradona, Pele iyo Franz Beckenbauer, taasoo sabab u ah guulihii qaran ee ay gaadhsiiyeen xulalkooda. Messi ayaa inta badan lala barbar dhigaa mucjisadii kubadda cagta oo ay dhalashada wadaagaan ee Maradona, waxaana u dheer inuu afar jeer ku guuleystay Ballon da’Or, isagoo kooxdiisa la qaaday 21 horyaal, islamarkaana u dhaliyey goolal badan “Waan soo koraayey tartamada tan iyo 2006 iyo 2010, waxyaabo badan ayaa igu dhacay, kuwo wanaagsan iyo kuwa xun intaba, taasoo igu caawisay inaan karo shaqsi ahaan iyo xirfad ahaan labada.” Ayuu yiri Messi, taasoo uu kala jeeday laacibku in sannadkan ay haystaan rajada ugu ballaadhan ee xulkiisa Argentina ku qaadi karo koobka adduunka. Dhinaca kale Messi ayaa qiray in dhacdada koobka adduunka ay ka qeyb galayaan xiddigo magac ku leh dunida sida, Neymar, Andres Iniesta, Xavi, Cristiano Ronaldo, Franck Ribery iyo Arjen Robben, kuwaasoo uu ku tilmaamay laacibiinta uu isagu u dooran lahaa xiddigaha ugu fiican adduunka.