Messi Oo warqad ka helay Maxkamadda Sarre Ee dalka Spain

Messi Oo warqad ka helay Maxkamadda Sarre Ee dalka Spain

MAZZI

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Spain iyo xulka Qaranka Argentina Lionel Messi ayaa sida ay shaacisay saxaafadda Spain waxaa soo gaadhay warqad ka soo baxday maxkamadda sare ee Spain oo loogu baaqayo in uu bixiyo 32.9 Milyan oo Euro oo cashuur ah. Ganaaxan ayaa daba jooga fadeexado lacago cashuur ah oo lagu soo eedeeyay laacibka Barcelona inuu u soo xarayn waayay dowladda 5-tii sanno ee ugu dambeysay oo ay ugu culus tahay cashuur uu ka bixin waayay xuquuqda sawirradiisa.Dhakhli sannadeedkii 2007 illaa 2009 Messi waxaa laga waayay bixinta cashuur dhan 4.1 Milyan oo Euro, inkastoo la sheegayo mar dambe inuu ka bixiyay, sidoo kale sannadihii 2010, 2011 iyo 2012 ayaa lagu soo eedeeyay in aanu bixin 25 Milyan oo Euro oo lagu darayo 4.1 Milyankii hore, waxaa intaa sii dheer ganaax kale oo cashuur 65% ah (2.7 Milyan oo Euro ah) taasoo laga doonayo in uu iyadana bixiyo. Isu geynta lacagahaasi ayaa noqonaya 32.9 Milyan oo Euro, waana inuu ku bixiyaa muddo 5 sanno ah, waxaana ka hor 2018 uu ku qasban yahay inuu bixiyo 25 Milyan oo Euro, isagoo inta hadhay muddada loo cayimay uu ku bixin doono. Lionel Messi waxaa sannadkii soo gala Dakhli gaaraya 50 Milyan oo Euro (65 Milyan oo Dollar), isagoo 21 Milyan oo Euro oo lacagtaasi ka mid ah uu mushahar ahaan sannadkii uga qaato Barcelona, halka inta kalena ay ka soo gasho xayaysiimaha iyo heshiisyada kale ee Kubadda Cagta.