Michel Platini Oo Taageeray inuu is-casilo Guddoomiyaha Xidhiidhka FIFA Sepp Blatter

Michel Platini Oo Taageeray inuu is-casilo Guddoomiyaha Xidhiidhka FIFA Sepp Blatter

Palatiini

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta UEFA Michel Platini ayaa ku soo biiray dadka taageeysan inuu iscasilo Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta dunida ee FIFA ninka lagu magacaabo Sepp Blatter. Dhawaan ayay ahayd markii saraakiil sarre ee uu ku jiro guddoomiyaha xidhiidhka FA-ga England Greg Dyke uu baaq ah inuu iscasilo ka hor koobka Adduunka u jeeday Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter. Blatter ayaa cadaadis saarnaa usbuucyadii ugu dambeeyey, iyadoo cadaadiskaasi uu ka imaanayey suurtogalnimada coddeyntii la musuqmaasuqay ee dalka Qatar lagula abaalmariyey inuu martigeliyo Koobka Adduunka 2022-ka. Michel Platini ayaa noqday sarkiilkii ugu dambeeyay ee ka hadlay arimahan weli cakiran, isagoo qiray in Madaxweynaha FIFA ay u dhamaatay isla markaana diiday inuu taageeri doono Blatter si mar kale dib loogu soo doorto Hadalka Platini ayaa imaanaya xilli xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA isugu yimaadayn kulan ay uga hadlayaan arrimaha Blatter, iyadoo bayaankii ka soo baxay shirkaas aan weli la shaacin, ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya inu UEFA sidoo kale soo saari doona baaq ah inuu is-casilo ninkan. 78 -jirka ayaa ahaa madaxweynaha FIFA tan iyo 1998-dii, iyadoo dib loo soo doortay 2002-dii iyo markale oo uu si tartan la’aan ah ku qaatay xilkaan 2007-dii, kaaga darane welina waxuu sii damacsan yahay in loogu daro afar sanno kale oo dheeraad ah sii hogaamiyo xidhiidhkaas.