MUUSE BIIXI Oo Hog-madoow Ku Riday Himiladdii Taageerayaashiisa Hankiisi Madaxweyne Nimona Silaanyo Uga Tanaasulay

MUUSE BIIXI Oo Hog-madoow Ku Riday Himiladdii Taageerayaashiisa Hankiisi Madaxweyne Nimona Silaanyo Uga Tanaasulay

muuse-biiixi

Gudomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweyne Silaanyo Ayaa la sheegay in caawa ganacsato Beesha Muuse Biixi Ka Soo jeeda Isku Horfadhiisiyeen Qasriga Madaxtooyada islamarkaana Gudomiye Muuse Bixi lugu qanciyay In uu jagada murashaxnimo uga tanaasulo Madaxweyne Silaanyo.
Ganacsatada Aya warsaxafadeed Ay soo saareen ku shaaciyay In soo jeedintaasi uu qaatay si rasmi ahna uu Muuse u aqbalay in Uu tanaasulo Madaxweyne Silaanyo in uu ahaado murashaxa jagadda Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE .
War-saxaafadeedkaaso dhamaystiranina waakan “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shanta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa (Xalay)
Magacyada Ganacsatada Beesha Muuse Biixi ”Sacad Muuse”.
1. Maxamed Aw Siciid Geeddi.
2. Jaamac Oomar.
3. Rashiid Ibraahim Ciise.
4. Maxamed Xuseen Axmed.
War rasmi ah lagama Hayo Garabka Mujaahid Biixi Ee Kulmiye mana cadda bedelka hankii murashax madaxweyne nimo oo xukumadu Siin Doonto iyo inuu dhankiisa ku qanacsanaan doono gaadh ka hayta xisbiga shaqsiyaadku ku danaysanyaan .